Wariyeyaal Ka Hawl-gala Warbaahinta Dawladda Somaliland Oo La Filaya Inay Toddobaadkan U Safraan Magaalada Muqdisho Iyo Sababta 

Hargeysa (Salaanmedia.com)-Wariyeyaal ka hawl-gala Warbaahinta Dawladda Somaliland ayaa la filayaa in ay toddobaadkan u safraan magaalada Muqdisho.

tmp_15552-BREAKINGNEWS1433859319

Wariyeyaasha ayaa la sheegay inay gudaha magaalada hargeysa ka waayeen Vise
Caafimaad iyo mid waxbarasho, Islamarkaana ay xukumaddu tahli kari wayday in
ay ka caawiso baahiyahooda aas aasiga ah taas oo sababtay in ay door bidaan
tagista Muqdisho si ay uga caawiyaan Madaxda iyo hoggaanka dawladda
federaalka ah ee Soomaaliya.
Warbaahinta u shaqaysaa dawladda Somaliland ayaa ah mashiinka baahiya horumarka ay xukumaddu sheegato, Waxaanay u shaqeeyan Xukumadda aaney
helin kaalmo Caafimaad, Waxbarsho iyo tobabar toona waxaanay u muuqdan kuwa
ka rajo dhigay Xukumadda Madaxweyne Silaanyo.