“Xaglo-toosiye Iyo Faratoon Waa Rag Soo Shaqo Tagay Mabda’a Khaatumo-na Wuu Naga Dhexeeyaa” Madaxweyne Ku-xigeenka Khaatumo Oo Ku Sugan Hargeysa

Hargaysa (Salaanmedia.com)_ Madaxweyne ku-xigeenka Khaatumo Maxamuud Cabdillaahi Cabdi (Caananuug) oo ku sugan gudaha magaalada Hargeysa ayaa si cad u sheegay in wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) iyo wasiirka wasaaradda caafimaadka Saleebaan Ciise Axmed Xaglo-toosiye ay yihiin ragg Somaliland u soo shaqo tagay isla markaana ay aaminsan yihiin mabda’a kooxda Khaatumo.

sddefault

Madaxweyne ku-xigeenka Khaatumo Maxamuud Cabdillaahi Cabdi (Caananuug) ayaa arrintaa kaga hadlay waraysi lagula yeeshay magaalada Hargeysa waxaanu yidhi “waxa aad maalin kasta tv-yada ka daawataan oo xitaa dawladda Somaliland ay tidhaahdaa nin Xamar tagay waa nin shaqo tagay, dee waa rag soo shaqo tagay ayaan qabaa anigu oo tolkayo ah waanu ogal nahay waanu soo dhawaynaynaa waa dalkoodii ayay joogaan oo aanay ciddina ka xigin laakiin waanu wada Khaatumaysanahay, waanu naga dhexeeyaa mabda’a Khaatumo, Xaglo-toosiye ha noqdo, wasiir Faratoon ha noqdo way naga dhaxaysaa Khaatumo” ayuu yidhi Madaxweyne ku-xigeenka Khaatumo Maxamuud Cabdillaahi Cabdi (Caananuug) oo wax laga weydiiyay aragtida uu ka aaminsan yahay wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) iyo wasiirka wasaaradda caafimaadka Saleebaan Ciise Axmed Xaglo-toosiye