Xisbiga WADDANI Oo Magaalada Burco Ka Sameeyay Balan Qaad Aan Laga Filayn Iyo Taageerada Uu Ku Helli Karo

Burco(Salaanmedia.com) Xisbiga Mucaaradka Ah Ee WADDANI Ayaa Magaalada Burco Ka Sameeyay Balan Qaad
Aan Hore Looga Filayn Kaas Oo Ay Sheegeen Inay Ka Dhabaynayaan Hirgelintiisa,Wefti Balaadhan Oo Uu Hogaaminaayo Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka Ah Ee WADDANI Gobolka Togdheer Maxamuud Xasan Saleebaan Doob Ayaa Dhagax Dhigay Wado Isku Xidhi Doonta Magaalada Burco Iyo Deegaanada HAWDKA Gobolka Togdheer

IMG_9ADBA7-6D592B-B95A23-F3A1D1-9DB3DF-B1879B

Wadadan Oo Ah Mid Rafaad Iyo Dhibaato Badan Ay Bulshada Martaa Ku Qabaan Oo Loo Yaqaan Wadada Hawdka,Ayaa Maalintii Shalay Ay Masuuliyiinta WADDANI Balan Qaadeen Inay Dhisayaan Wadadaasi,Isla Markaana La Bilaabaayo Inta Ay Mucaaradka Yihiin
Waxaanay Dhismaha Wadadaasi Xisbiga WADDANI Usoo Jeedisay Indhaha Bulshada Degta Deegaanada Ay Wadadu Marto Waxaanay Shacabku Kusoo Dhoweeyeen Farxad Iyo Niyad Sami,Dhankooda Dadweynaha Ayaa Ka Dhawaajiyey Inay Codkooda Ku Bedelanaan Waxqabad Isla Markaana Maanta U Codaynayaan Halka Ay Dantoodu Ku Jirto