Xisbiga WADDANI Oo Shaaciyay In Uu Kalsoonidii Kala Noqday Labada Urur Ee Kala Ah Akadamiyada Nabada Iyo Horumarinta (APD) Iyo Dalada Ururada Aan Dawliga Ahayn Ee SONSAF.

Hargaysa (Salaanmedia.com)_ Xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI ayaa kalsoonidii kala noqday labada urur ee kala ah Akadamiyada nabada iyo horumarinta (APD) iyo dalada ururada aan dawliga ahayn ee SONSAF.
21616244_1786121224749449_5819677039515059875_n-1-150x150

Xisbiga WADDANI ayaa waxa uu sheegay in labad urur ku dhex milmeen tartanka axsaabta siyaasada, islamarkaana aanay dhex u noqon karin saddexda xisbi qaran.
Xisbiga ayaa sidoo kale farriin ku aadan labada urur waxa ay u diray komishanka doorashooyinka qaranka Somaliland.
Waxa maalmihii u danbeeyay soo baxayay eedaymo kala duwan ee loo jeedinayo urur kala ah Akadamiyada nabada iyo horumarinta (APD) iyo dalada ururada aan dawliga ahayn ee SONSAF.

Halkan hoose ka akhri warsaxaafadeed ka soo baxay xisbiga WADDANI oo goor dhawayd soo gaadhay shabakadda wararka ee Salaanmedia.com

21616244_1786121224749449_5819677039515059875_n