[Deg Deg ]:- In Ka Badan 50 Qof Oo Iminka Lagu Toogtey Mareykanka , 200 Oo kalana Lagu Dhawaacay +[ Muuqaal]

USA (Salaanmedia.com)- Ugu yaraan 50 ruux ayaa ku dhintay 200 kalana dhaawac ayaa ka soo gaadhay toogasho ka
dhacday bandhig faneed lagu qabanayay magaalada Las Vegas ee dalka Maraykanka. Qof hubaysan ayaa rasaas ku furay barxadii uu bandhiggu ka socday oo ku taalla hoteelka Mandalay Bay Nin hubeysnaa oo lagu magacaabay Stephen Paadock oo 64-sano jir ah ayaa la sheegay in rasaas uu ku furay meel ay ka socotay xaflad heeso. Boqolaal dad ah ayaa goobtii ka firxaday waxaana la maqli karay wax u ekaa rasaas qori ka dhacaysa, sida laga maqli karo muuqaal baraha bulshada la soo galiyay. Booliisku waxay sheegeen in qofkii laga shakisnaa “dhulka la dhigay” isla markaasna aysan rumaysnayn in ay jiraan dad kale oo laga shakisan yahay. Waxaa jira war kale oo sheegaya in arrin kale ay ka dhacday goob kale oo isla Las Vegas ah.
Qof u hadlay isbitaal ayaa sheegay in xaaladdoodu ay liidato 14 ruux oo dhaawac ah. 

Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Warkan