KULMIYE Oo Ka Guuray Shaxdii Hore Ee Oloollihiisa, Mid Cusub-na U Dejiyey Saddex Gobol Iyo Nuxurka Kulan Dhex Maray Ganacsade Maxamed Aw Siciid Iyo Hoggaanka KULMIYE

Hargaysa (Salaaedia.com)_ Musharraxa jagada Madaxweynaha Xisbiga Kulmiye Md. Muuse Biixi Cabdi, oo ay weheliyan xubno ka tirsan hoggaanka Xisbiga, iyo sidoo kale, Ganacsadaha reer Jabuuti ee Maxamed Aw Siciid, ayaa kulan qiimeyn ah oo ay ku darseen taageeradda Xisbiga Kulmiye ka haysto bulshadda Somaliland, waxay isla qaateen Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani gobolada iyo degmooyinka dalka uu kaga awood badan yahay, sidaas darteed, hoggaanka iyo gadh-wadeenada Xisbiga Kulmiye waxay isku waafaqeen in shaxdii hore ee Xisbigu ka duulayey la bedelo, isla markaana la jeexo istaraajiyad cusub oo laga hawgelaayo gobollada Awdal iyo Togdheer.

Shirweynaha-Xisbiga-Kulmiye-2015-2-150x150

Xogo, la xidhiidha kulanka dhinacyadan iyo natiijadda kasoo baxday oo Wargeyska Yool ka helay ilo-ku-dhow-dhow shooffeerada isteerinka Siyasadda Kulmiye u haya, ayaa tiibaxay wajiga hore ee kulanku ku ekaa, qiimeyn ku saabsan taageerada Xisbigu ka haysto 6-da gobolka ee dalka, iyaggoo min-qiyaaskooda ku cabirayey shucuurtii ka muuqatay dadkii usoo baxay saddexda Xisbi qaran, gaar ahaan Xisbiyada Kulmiye iyo Waddani wajiga labadii maalmood ee ugu horeeyey kaltanka isu-soo baxyada labada Xisbi ee dalka ka dhacay. Waxana Wararku intaa ku darreen dhankastaa kolkii xubnuhu ka eegen ay u cadaatay sida hadda muuqata in Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani, uu kaga awood badan yahay gobolada dalka oo dhan Xisbiga Kulmiye.
Waxa kaloo, illaha Wargeysku xogta ka helay xuseen, inay daruuri noqotay, oo xubnahaasi isla qaateen in wax ka bedel lagu sammeeyo istaraajiyaddii hore ee Xisbigu u dejiyey oloollaha iyo kasbashadda bulshadda ku dhaqan lixda gobol ee dalka, gaar ahaan gobollada Awdal, Saaxil iyo Togdheer, deegaanadaas oo sida la sheegay, markii xubnahaasi qiimmeeyen u arkeen inay bud-dhig ama bartilmaameed u yihiin guusha guusha Xisbiga Kulmiye. Sidaas darteed arrinka sida keliya ee lagu hir-gelin karo, waxay u arkeen sida xogguhu tilmaameen inuu yahay in gobolada Saaxil iyo Togdheer loo diro Siyaasiyiin bulshaddu taqaano, oo iyaggu maalmaha kaltanka oloollaha ee Xisbiga dadka u jeediya khudbado sun ah, oo ka hadlaya dhacdooyin fool xun oo deegaanada ka dhacay, sida colaadihii ama daggaaladii sokeeye ee dhex-maray bulshada Walaalaha ah ee ku-wada nool gobollada Togdheer iyo Saaxil. Waxana xogguhuu intaa ku darreen in fulin qorshaha shaxda cusub loo asteeyey inuu dhaco, kaltanka Maalinta saddexaad ee oloollaha Xisbiga Kulmiye oo ku beegnayd sabtidii shalay.
Jiritaanka qorshaha Shaxda labada gobol ee fulinta arrimahaas, waxa daliil u ah weedhaha iyo hadallada kakan ee Mujaahid Cali Guray iyo Muj. Maxamed Kaahin ka jeediyeen faggaaraha Khayriyadda Burco iyo Berbera, kuwasoo labaduba siyaabo isu dhow usoo toosiyeen colaadihii foosha xummaa ee dalka ka dhacay horaantii 1990-naadkii. Tallaabadaas oo sida Wararka lagu sheegay looga gol lahaa in lagu kala foggeeyo dadka ku wada-nool deegaanada labada gobol, si loo wiiqo taageerada Xisbiga Waddani ka hayso gobolada Togdheer iyo Saaxil, kolka colaad qabyaaladeysan la dhex-geliyo bulshadii isku mab’da ahayd.
Geesta kale, xoggaha kulankaa kasoo baxay qaarkood, ayaa tibaxay xubnaha qiimeynta taageerada Kulmiye wadday inay qorshaha bariga midka duwan lagaga hawgalo gobolka Awdal, waxana la sheegay in qorshaha gobolka Awdal in loo dhigay laba waji, kuwasoo kala ah midku sallaysan af macaani iyo xod-xodasho dadka lagaga dhaadhicinaayo in deegaan walaaleeyey bulshada oo ay cid walbaa iska xigaan , iyo sidoo kale, qorshaha labaad inuu yahay dhaqaale in lagu bixiyo sidii loo iibsan laha ama loo lumin lahaa codadka deegaanadaas. Waxana xogguhuu intaa ku darreen in fulinta qorshaha dhinaca dhaqaalaha ee hawlgalkaasi u dusha u rittay Ganacsadaha reer Jabuuti Maxamed Aw Siciid Geeddi, oo sida la sheegay isaggu codsaday in loo daayo fulinta iyo bixinta hawlgalka dhaqaale ee Gobolka Awdal.
Xigasho Yool