Odayaasha Beesha Habar Jeclo Oo Maanta Isku Yimid Kulan Ay Kaga Arinsanayaan Dumaasha Kulmiye , Buuq Dhashey , Laba Reerood Oo Ka Cadhoodey Shirka Iyo Go,aan La Gaadhey

Burco (Salaanmedia.com)_ Odayaasha iyo madax dhaqameedka Beesha Habar Jeclo ayaa waxaa ay maanta shir
iskugu yimaadeen Hotel City Plaza oo ku yaala magaalada Burco ee xarunta gobalka Togdheer

BREAKINGNEWS

Shirkan ay odayaasha Beeshaasi isku yimaadeen ayaa waxaa uu ahaa mid ay kaga hadlayaan cida loo comaamadi doono gudoomiyaha xisbiga Kulmiye Muuse Dabadii inta aaney doorashadu dhicin .
Odayaal ka soo jeeda Beesha Wasiir Maxamuud Xaashi Ee Muuse Abokor ayaa soo jeediyey in doorkan iyaga lagu wareejiyo Gudoomiyaha xisbiga Kulmiye oo ay xaq u leeyihiin balse hadalkaasi ayaa madasha ka abuuray buuq iyo ismaan dhaaf ka dhex qarxay odayaasha beesha Habar Jeclo qaarkood taas oo sabab u noqotey in goobta shirka ay ka cadhoodaan oo ay ka baxaan odayaal ka socdey beesha Reer Daahir iyo Axmed Faarax .
Ka dib markii buuqaasi in muddo ah goobta ka jiray waxaa lagu guuleystay in goobta shirka dib loogu soo celiyo odayaashii ka baxay ee ka cadhoodey taas oo lagu Qanciyey in iminka aan cid gaar ah oo loo comaamadaayo gudoomiyaha Kulmiye aaney jirin balse si duuduub ah beeshu dooneyso in ay ugula soo wareegto Beesha Habar Awal oo hada iyadu ah gudoomiyaha xisbiga Kulmiye .
Waxaa lagu balamay in guddi la saaray ay arintaasi kala soo hadalaan saladiin ka socoto beesha Suber Awal oo iyagu Burco ku sugan isla markaana intaas ka dib beeshu shir kale iskugu timaado kuna go,aamiso cida loo dhiibi doono gudoomiyaha xisbiga Kulmiye
Si Kastaba ha ahatee waxaa loolankii ugu adkaa mudooyinkii ugu danbeeyey uu ka jiray cida lagu wareejin doono gudoomiyaha xisbiga Kulmiye oo ay ku hirdamayaan siyaasiyiin ay ka mid yahiin Wasiiir Maxamuud Xaashi , Muj Maxamed Kaahin iyo Siyaasi Gaafaadhi , lamana saadalin karo cida noqon doonta Gudomiyaha xisbiga Kulmiye .
Dhinca kale waxaa iyadana laga cabsi qabaa in loolankan Dumaasha gudoomiyaha Kulmiye oo hada jira uu sabab u noqdo qarax kale oo xisbiga Kulmiye soo waajaha iyada oo xiligii doorashada naga xidhaan muddo ka yar 40 cisho