Hargaysa (Salaanmedia.com)_ Saxaafada Madaxabanaan ee Somaliland iyo Murashaxa Madaxweyne ee xisbiga Waddani Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Ciro) ayaa Kulan toos ah oo saxaafadu dalbatay inay su’aalo ku waydiiyaan ku yeeshay magaalada Hargeysa.
Kulankan oo su’aalo lagu waydiiyey Murashaxa Madaxweyne ee xisbiga Waddani ayaa waxa ka soo qaybgalay qaar ka mid ah qaybaha warbaahinta Somaliland oo ay ka mid yihiin Jaraa’idada, Telefishanada, Websiteyada iyo Idaacada VOA-da.
Kulankan oo uu soo qaban qaabiyey Kaaliyaha Warbaahinta ee Murashaxa xisbiga Waddani, Muniir Axmed Cigaal ayay saxaafadu su’aalo door ah oo dhinacyo kala duwan taabanayey ay ku waydiiyeen Murashaxa xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Ciro. Waxaanu Musharax Cabdiraxmaan Ciro uu ka jawaabay dhamaan su’aalihii ay waydiiyeen suxufiyiintu, oo daaranaa dhinacyada, dhaqaalaha, sicir bararka, amaanka, ictiraaf raadinta iyo guud ahaan xaaladan wakhtigan gaar ahaana doorashooyinka dalka ku soo foolka leh.
Kulankan ayaa noqonaya markii koobaad tariikhda dimuquraadiyada Somaliland la soo noqoshadii xorriyada kadib uu Murashax u tartamaya hoggaanminta Waddanku uu la yeesho kulan su’aaleed toos ah oo aan qayb ka ahayn sida inta badan dhici jirtay Shir-jaraa’id amma hadal kale.
Arrintaasina waxay ku tumi codsiga saxaafadda madaxa banaan iyo wada-shaqaynta Xafiiska Kaaliyaha Warbaahinta iyo aqbalaada Murashaxa Xisbiga WADDANI .
Waxaana wanaagsan inay murashaxiinta kalena kaga daydaan Murashaxa Xisbiga WADDANI si bulshadu Jaanis ugu hesho inay wax badan ka ogadaan Hoggaamiyaha ay mustaqbalkooda u dooranayaan.. Guul Iyo gobinimo. Sida uu sheegay Kaaliyaha Warbaahinta ee Murashaxa Xisbiga Waddani.