Wafti Madax-dhaqameed Ah Oo Ka Socday Beesha Garxajis Oo Si Wayn Loogu Soo Dhaweeyey Degmada Xariirad Ee Gobolka Salel Iyo Ujeedada Socdaalkooda+SAWIRRO

Xariirad (Salaanmedia.com)_ Wafti culus oo madax-dhaqameed ah isla markaana ka socday beesha Garxajis ayaa si wayn maanta loogu soo dhaweeyey deegaanka Xariirad oo ka tirsan gobolka Salel.
Waxaana madax-dhaqameedkan si wayn usoo dhaweeyey odayaasha,waxgaradka cuqaasha iyo salaadiinta deegaanka Xariirad.

1-12

2

4

6

Ujeedada madax-dhaqameedkan ka socda Beesha Garxajis ayaa daaran sidii ay madax-dhaqameedka iyo odayaasha deegaanka xariirad ugala xaajoon lahaayeen ka wada hadalka xidhiidhka qotoda dheer ee ka dhaxeeya Beelahan.
Waxaana sooryo iyo soo dhawayn balaadhan kadib ay madax-dhaqameedka beesha Ciise iyo madax-dhaqameedkan ka socday beesha Garxajis ay jilbaha isku dareen kulan saacado badan qaatay,kaas oo ka dhacday geedka Gerdaha ee magaalada Xariirad,waxaana ay labadan madax-dhaqameed ka wada hadleen xidhiidhka tolnimo iyo madax-dhaqameed ee ka dhaxeeya Beesha Ciise iyo beesha Garxajis.
Gabagabadiina kulankan ay jilbaha isku aasteen labadan madax-dhaqameed ayaa waxa labada dhinac isla qaateen sii xoojinta xidhiidhka gacaltooyo iyo madax-dhaqameednimo ee ka dhaxeeya beelahan.