Cabdiraxmaan Cirro Oo Kulamo Xasaasi Ah La Qaatay Cuqaasha Gobolka Saraar Iyo Suldaanka Guud Ee Beelaha Habar-jeclo

Kulanka Suldaanka Guud iyo Murashax Cirro Ayaa Imanaya Xilli Dabaylo Siyaasadeed Ka Socdaan Bariga Dalka

cirro-480x400

Caynaba (Salaanmedia.com)_ Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI ahna musharraxa Madaxweynaha Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ayaa kulamo la qaatay madaxda dhaqanka iyo odayaasha gobolka Saraar.
Kulamadan ayay madaxda dhaqanka gobolka Saraar kala hadleen Musharrax Madaxweynaha ee xisbigga WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillahi (Cirro) dareenkooda isbedel doon, islamarkaana u ballanqaadayeen cududooda taageero inay la barbar istaagaan xisbiga WADDANI, musharraxa ayaa sidoo kale waxgaradka u sharraxayay qorshihiisa guud ahaan Somaliland gaar ahaana gobolka Saraar iyo waxyaabaha uu ka qaban doono, waxaanu waydiisanayay codkooda si uu u fuliyo ballamaha isbedel doon.

Musharrax Cabdiraxmaan Cirro ayaa kulamada kadib waxa uu kulan salaam iyo is xogwaraysi ah la qaatay Suldaanka Guud ee Beelaha Habar-jeclo Suldaan Cabdillaahi Suldaan Cali Muuse oo ay ku kulmeen hotelka Isha Caynaba ee magaalada Caynaba. Kulanka oo yimid xilligan arrimaha siyaasadda iyo ololuhu xaammiga yihiin ma jiro wax faah-faahin ah oo laga soo saaray.
Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro ayaa khamiistii taageerayaashiisa Caynaba kala qayb galay ololaha doorashada waxaanu kala kulmay taageero baxaad leh oo sababtay in uu si gaar ah kulamo gooni gooni ah ula qaato bulshada reer Saraar iyo magaalada Caynaba taas oo u muuqata in ay kor u sii qaadayso cududa taageero ee xisbiga WADDANI ku leeyahay magaalada Caynaba iyo guud ahaan gobolka Saraar.