Musharrax Cabdiraxmaan Cirro Oo Kulamo La Qaatay Madaxdhaqameedka Gobolka Saraar Iyo Suldaanka Guud Ee Habarjeclo

Burco (Salaanmedia.com)_ Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Waddani ahna musharraxa Madaxweyne Dr
Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ayaa kulamo la qaatay madaxda dhaqanka iyo odayaasha gobolka Saraar.

IMG_E85704-8E56D4-22E919-44B04E-D034A2-4B70DB

Musharrax Cabdiraxmaan Cirro ayaa magaalada Caynaba soo gaadhay duhurnimadii waxaanu bilaabay kulamo gooni gooni ah oo uu si isdaba joog ah ula lahaa madaxda dhaqanka iyo odayaasha degaannada kala duwan ee gobolka Saraar.
Kulamadan ayay madaxda dhaqanku kala hadlaysay Musharrax Cabdiraxmaan Cirro dareenkooda isbedel doon, islamarkaana u ballanqaadayeen cududooda taageero in ay la barbar istaagaan xisbiga Waddani, musharraxa ayaa sidoo kale waxgaradka u sharraxayay qorshihiisa guud ahaan Somaliland gaar ahaana gobolka Saraar iyo waxyaabaha uu ka qaban doono, waxaanu waydiisanayay codkooda si uu u fuliyo ballamaha isbedel doon.
Musharrax Cabdiraxmaan Cirro ayaa kulamada kadib waxa uu kulan salaam iyo is xogwaraysi ah la qaatay Suldaanka Guud ee Beelaha Habar Jeclo Suldaan Cabdilaahi Suldaan Cali Muuse oo ay ku kulmeen hotelka Isha Caynaba ee magaalada Caynaba. Kulanka oo yimid xilligan arrimaha siyaasadda iyo ololuhu xaammiga yihiin ma jiro wax faahfaahin ah oo laga soo saaray.
Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro ayaa khamiistii taageerayaashiisa Caynaba kala qayb galay ololaha doorashada waxaanu kala kulmay taageero laxaad leh oo sababtay in uu si gaar ah kulamo gooni gooni ah ula qaato bulshada reer Saraar iyo magaalada Caynaba taas oo u muuqata in ay kor u sii qaadayso cududa taageero ee xisbiga Waddani ku leeyahay magaalada Caynaba iyo guud ahaan gobolka Saraar oo cod laxaad leh haya