Xildhibaan Cabdiqaadir Jirde Oo Ka Hadlay Arrimo La Xidhiidha Socdaalkii Maxamed Cabdillaahi Cumar iyo Farriimo uu Xamar Ka Siday

Maxaa Ka Jira In Dr Maxamed Cabdillaahi Cumar Uu Toos Xamar Uga Soo Duulay, Kadibna Hargeysa Lagu Soo Dhaweeyey?

Cabdiqaadir-Jirde

Hargaysa (Salaanmedia.com)_ -Xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI ayaa dhigiisa KULMIYE ku eedeeyey inuu xidhiidh dhaw la leeyahay Soomaaliya, waxaanay arrintaas kaga jawaabeen eedaha uga yimi KULMIYE ee ku xidhiidhiyey Xamar.
Guddoomiyaha ku meel gaadhka ah ee WADDANI Xildhibaan Cabdiqaadir Jirde ayaa sheegay in wasiirkii arrimaha dibadda ee hore Maxamed Cabdillaahi Cumar oo dhawaan Hargeysa lagu soo dhaweeyey uu ka soo kicitimay Soomaaliya, waxaana uu intaas raaciyey in KULMIYE soo dhaweeyey waliba uu farriin uga siday madaxda sare ee Soomaaliya.

Cabdiqaadir Xuseen Jirde ayaa KULMIYE ku cariyey inay farriintaas dadka la wadaagaan haddii ay daacad yihiin “Hadii Xamar cidi eed ku qaadaysana ninka shalay aad halkan ku soo dhaweyseen toos ayuu Xamar uga soo duulay, waa Wasiirkii hore ee Arimaha Dibada, waad togtihiin fariimuu idiin sidaa Kulmiyow fariinbaa la idiinku soo dhiibay bal fariintaasi dadka la qaybsada Xamar la idinka soo faray, car hadaad rag tihiin nala qaybsada.”
Eedaha ay xisbiyadu isu jeedinayaan ee la xidhiidha Xamar ayaa in dhawayd ba soo badanaysay waxaana xusid mudan in xisbiga KULMIYE uu dhawr jeer bilaabay eedaymaha noocan ah taasoo horseeday inay arrintani qayb ka noqoto ololaha.