Xisbiga Waddani Oo Mar Kale Maanta Cududiisa Taageero Ku Soo Bandhigay Beerta Xoriyada Hargeysa Ee Xisbiyada Kale Ka Maageen Baaxadeeda + [ Sawiro ]

Hargaysa (Salaanmedia.com)_ Taageerayaal mug iyo miisaan leh oo ku abtirsada xisbiga Waddani ayaa mar kale
cududooda ku muujiyey fagaaraha beerta xoriyada ee magaalada Hargeysa.
Halkaas oo ay kala soo qaybgaleen masuuliyiinta sarsare ee xisbiga Waddani oo uu horkacayey Gudoomiyaha ku meelgaadhka ah ee xisbiga Waddani Cabdiqaadir Jirde, Xoghayaha Guud ee xisbiga Waddani Maxamed Cabdilaahi Uurcade, Madaxa Kaambaynka xisbiga Waddani Xamse Cabdilaahi Khayre iyo siyaasiyiin kale oo caan ah

22886158_1790617774568973_5175412456400995400_n

23130908_1790617027902381_5974378458418080652_n

Ugu horayn Gudoomiyaha ku meelgaadhka ah ee xisbiga Waddani Cabdiqaadir Xaaji Ismaaciil Jirde oo khudbad halkaasi uga soo jeediyey taageerayaasha xisbiga Waddani ee magaalada Hargeysa ku soo bandhigay isku soo baxa maalinta ololahooda ayaa waxa uu yidhi “Waxa aynu halkan kaga hadlaynaa been qaawan oo aynu halkan marada kaga faydnay ayaa hadana qaar aad moodo inay tawtawlayaal yihiin ay ku celiyaan oo ay yidhaahdaan Xamar iyo Farmaajo, waar waxaa miyaanaydaan kaba waantoobayn sawtii la qaawiyey maaha.

23032684_1790617021235715_8389394012296732377_n

23131934_1790617044569046_169977265983722989_n

22894439_1790617241235693_2603656555968095378_n

Hadii Xamar cidi eed ku qaadaysana ninka shalay aad halkan ku soo dhaweyseen toos ayuu Xamar uga soo duulay, waa Wasiirkii hore ee Arimaha Dibada, waad togtihiin fariimuu idiin sidaa Kulmiyow fariinbaa la idiinku soo dhiibay bal fariintaasi dadka la qaybsada Xamar la idinka soo faray, car hadaad rag tihiin nala qaybsada.

23130613_1790617234569027_275388360921137638_n

23167808_1790617161235701_2342330796611926444_n

23032339_1790617254569025_4292506382410354936_n

Waxa kale oo aanu halkan ka sheegaynaa, Madaxweynuhu si fiican ayuu yeelay oo digreeto ayuu ka soo saaray oo waxa uu yidhi hantida dawlada yaan lagu ololaynin, waxaanu haynaa hantidii dawlada oo gawaadhidii dawlada oo taarikadii laga badalayo oo lagu dhajinayo mida shicibka.

22885970_1790617371235680_5032400804875698344_n

23031699_1790617391235678_3550443500797625156_n

Wasiiro ayaa maalindhaweyd Ambassador hotel yimid oo taarikho shicib ahi ay ku dhagsan tahay, waxaa dhacay ayaa la yidho oo dawladu miyey ku siisay gaadhiga mayee ololaha ayaa la ii diray oo Laascaanood ku tag ayaa la I yidhi, waxaasaa meesha socda.

22853463_1790617451235672_371945285540159282_n

23131875_1790617524568998_8506981192157306218_n

22886127_1790617571235660_7997491703692860876_n

Waxa kale oo aan idiin sheegayaa in kaadhadhkii codbixinta la iibsanayo, kaadhadhka xafita, meel dhigta oo yaan shilling la idinka siisanin aad iyo aad kaadhadhkiina u ilaashada. Waa la bilaabay waxa la doonayaa in been lagu ololeeyo, waxaanu idiin sheegaynaa oo aanu idiin cadaynaynaa Kulmiye waxa ka go’an gar iyo gardaraba inuu kursigaa yimaado ayaa kulmiye ka go’an miyeynu ka yeelnaa.? Maxaynu nidhaahnaa? Badaluu, Badaluu, Kulmiye waxaanu leenahay badda ka cab.

22886082_1790617591235658_2792878059388706287_n

23131835_1790617624568988_4707671600564985738_n

23032829_1790617654568985_2497962056343053085_n

23130738_1790617817902302_7074026110757023771_n

Waxa weeyi dalkan waa la dhacay oo waa la boobay oo carabkaa la mariyey sideedii sanadood waxba lagagama tagin shan sanadood oo dambe miyeynu ugu darnaa Lafaha ha feenteen, lafaha ayay doonayaan inay feentaan, miyeynu ka yeelnaa? Waar dalkani waxa uu u baahan yahay dhaymo, wuxuu u baahan yahay in la buuleeyo, wuxuu u baahan yahay in la soo nooleeyo, cida kaliya ee soo noolayn kartaana waa xisbiga Waddani, nagu taageera, Illaahay ha ina guuleeyo.” Ayuu yidhi Gudoomiyaha ku meelgaadhka ah ee xisbiga Waddani oo halkaasi khudbad uga soo jeediyey taageerayaasha xisbiga Waddani ee maanta isugu soo baxay fagaaraha beerta xoriyada ee magaalada Hargeysa.

22894540_1790617834568967_8468452801509355054_n

23032696_1790617984568952_3058777457131779897_n