Colaada Laba Beelood Ku Dhexmaraysa Koonfurta Sool Oo Meel Halis Ah Maraysa Iyo Tuulada Gumburta Oo Gabi Ahaanba La Gubay + SAWIRRO

Gunburta (Salaanmedia.com)_ Tuulada Gumburka oo ah goobtii ay isku fara saareen maleeshiyaad ka kala soo jeeda beelo Majeerteen & Dhulbahante ee ee halkaa wada daga ayaa lagu soo waramayaa in la gubay guryihii ku yiilay. Warbaahinada Qaarkeed ayaa baahiyay sawiro muujinaya bur bur xoogan oo ka dhashay dabka loo qabad siiyay tuulada Gumburka oo aheyd halkii dirirtu ay ku dhax martay maleshiyaad halka kaso wada jeeda. Dadkii degaanka ku ahaa Tuuladaas ayaa isaga cararay markii mid kamid ah labada maleyshiyo uu gubay tuuladaas.

9749A1B6-F232-44FF-9B54-1B4C938E7B01

0F12CE5B-A767-4331-917C-BFB63212576C

47890729-B580-4D6E-96B5-76EC785EDCE5

248D5FC8-9F91-441C-BECD-78ED9F3C222D

706AF38D-C4FA-4C16-8C6C-82E3AC88606B

Dadkii daganaa Tuulada Gumburka ee Gobolka Sool ayaa ka barakacay dagaalo u dheexeyey Maleeshiyaad gacan saar leh Soomaaliland iyo Puntland oo maalmo badan ku dagaalamay tuuladaas. Madaxweyne ku xigeenka Puntland iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta oo Jimco ah tagaya degaanadii dirirtu ka dhacday, isagoo iskudayaya inuu colaada joojiyo, wada hadalna lagu dhameeyo.