Maamulka Puntland Oo Ciidamo Soo Dhoobay Deeegaan Ka tirsan Gobolka Sool+Xiisaad Beeleed Ka Taagan Deegaankaasi+Magaca Deegaanka Iyo Mooganaanta Xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi

Burco (Salaanmedia.com)_ Wararka naga soo gaadhaya magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa waxay sheegayaan in maamulka Puntland ay ciidamo milateri ah soo dhoobeen deegaanka Gumbur-cagaare oo ka tirsan degmada Kala-baydh ee gobolka Sool,taas oo maalmihii u danbeeyey ka taagnayd xiisad dagaal beeleed khasaare dhimasho iyodhaawacba leh sababtay.

1-46-125x125

Ciidamadan oo wata gaadiidkooda dagaalka ayaa ku sugan deegaanka,waxaana sidoo kale deegaanka iyo kuwo kale oo labada beelood ee dirirayaa wada dagaan ayaa waxa dhinacooda ka taagan sansaan colaadeed oo labadan beelood ay iskugu hub urursanayaan.
Sidoo kalena ciidamada Milateri Somaliland ayaa ku waajahan deegaanka Gumbur-cagaare ee dagaalku ka dhacay.
xukuumadda madaxwaynaha cusub ee Somaliland
Muuse Biixi Cabdi ayaa ka war hayn ciidamadan maamulka puntland keeneen deegaanka,waxaana maamulka Puntland ay madax-dhaqameedka gobolka Sool ku e edeeyeen inay iyadu dabada ka riixayso colaada labadan beelood.