Qabow Iyo Dhaxamo Xad Dhaaf Ah Oo Ka Dhacay Gobolada Dalka+Magacyada Deegaanada Ay Sida Daran Uga Dhaxayso Dhaxantu Iyo Saamaynta Ay Dadka Ku yeelatay

Hargaysa (Salaanmedia.com)_ Waxa labadii Bilood ee u danbeeyey qaar ka tirsan gobolada dalka ee Bari ilaa Galbeed ka dhacayay qabow daran oo xad dhaaf ah isla markaana ay dareemeen dadka ku dhaqan magaalooyinkaasi.

borama1-1132x670(1)

Waxaana qabowgan saa’idka uu yahay mid dhacaya habeen iyo maalinba kaas oo la sheegay in dadka ku dhaqan magaalooyinka Somaliland ay hadh iyo habeenba sitaan koodhadh iyo funaanado ay ka xidhan yihiin dhaxanta si aanay u waxyeelayn.
Gobolada uu qabowgani sida xad dhaafka ah uga dhacayo ayaa waxa kamida gobolka Sanaag magaalo madaxdiisa Ceerigaabo taas oo la sheegay in deegaanada buuralayda ah uu ka dhacayo qabow xad dhaaf ah mararka qaarna subaxiii marka dadku soo toosaan ay arkaan baraf yaryar oo dhulka yaala kaas oo saameeyey dad iyo duunyaba,Gobolka Maroodi-jeex magaalo madaxdiisa Hargeysa oo ay indhahaagu qabanayaan dad maalin iyo habeenba xidhan koodhadh iyo funaanado kuwaas oo ay ka xidheen dhaxanta si ay iskaga difaacaan,waliba magaalada Hargeysa habeenada qaar ayaa ugu daran dhaxanta dhacaysa,,Gobolka Gabiley iyo waliba Gobolka Awdal magaalo madaxdiisa Borama oo ay ka dhacayaan dhaxamo iyo qabow daran.
Qabowgan iyo dhaxamahan daran ayaa la sheegaya in uu saamayn xoogan ku yeeshay dadkii kasoo hayaamay deegaanadoodii ay abaartu kasoo barakicisay,dadkaasina ma haysaan hoy hu iyo waliba wax ay iskaga difaacaan dhaxamahan dhacaya.
Qaar kamida bulshada caasimada Hargeysa oo u badan odayaal oo aan la yara sheekaysanay ayaa noo sheegay in qabowga iyo dhaxamahan habeenadii u danbeeyey dhacayay ay yihiin kuwo xad dhaafa,balse waxay odayaashan noo sheegeen in dhaxantan hadda dhacaysa ay ka darnayd tii kal hore dhacaysay.
Gabagabadiina dhaxamahan daran ee dhacaya ayaa sababay in dadku xilli hore ay ka caraabaan suuqyada magaalooyinkaasi oo ay ku cawayn jireen una caraabaan guryahoodii.
Dhinaca dadka dhimirka ka xanuunsanaya ayaa iyaguna dhankooda la il daran dhaxamahan dhacaya,iyaga oo qaarkoodna aanay haba yaraatee sidan wax hu’ ah,waxaana magaalooyinka qaar dhaxamahan oo kale goobaha ay jiifsadaan dadkaasi xanuunsanayaa subaxa loogu imaadaa iyaga mayd ah,waxaana ay u bahan yihiin gurmad iyo gargaar deg deg ah.