Sanad Guuraadii 74-Aad Ee Ka Soo Wareegtay Aas-aaska Ciidamada Booliska Somaliya Oo Lagu Qabtey Magaalada Moqdisho + [ Sawiro ]

Muqdisho (Salaanmedia.com)_ Dugsiga tababarka ciidamada Booliiska Soomaaliyeed ee Gen Kaajiye ayaa
maanta waxaa ka dhacay munaasabad lagu xusayo sanad guuradii 74-aad ee ka soo wareegtay markii la Aas-aasay ciidamada Booliiska Soomaaliyeed sanadkii 1943-dii.
Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xassan Cali Kheyre iyo xubno ka tirsan gollaha wasiiradda oo uu ugu horeeyo Wasiirka Amniga Maxamed Abuukar Isloow Ducaale, Taliska ciidamada Booliiska Soomaaliyeed, guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo Danjirayaal ka socday beesha caalamka ayaa ka qeybgalay munaasabada.

IMG_F5D881-870D48-2BFA31-305BEF-BE231A-A2DE6C

25508065_537999336546745_3815563273271603466_n

25507902_537999333213412_7683828476050415870_n

Qeybaha kala duwan ee ciidamada Booliiska ayaa Dhoolatus iyo Gaada ka Cayaar ku soo bandhigay munaasabada.
Ra’iisal wasaare Kheyre oo Salaan Sharaf ka qaatay Cutubyo ka tirsan Booliska ayaa Ubax dhigay Taallada Booliska ee ku dhex taalla Dugsiga Gen Kaahiye, taasoo lagu maamuusay saraakiishii iyo Askartii ka geeriyooday ciidamada Booliska Soomaaliyeed.

25446305_537999303213415_5904914115448569408_n

25508125_537999403213405_6557661585985521843_n

Ra’iisal Wasaaraha oo halkaas hadal kooban ka jeediyey ayaa ugu hambalyey Ciidanka Booliska Soomaaliyeed maalintan qiimaha gaarka ah u leh dowladnimada iyo shacabka Soomaaliyeed, isagoona sheegay in munaasabad weyn oo Madaxda Qaranku ay ka qeyb galayaan la qaban doono Caawa oo Khamiis ah.

25507889_537999443213401_1644825951392885051_n

Dhinaca kale, Madaxweynaha Jamhuuiryadda Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa hambalyo u diray Saraakiisha iyo guud ahaan Ciidanka Booliska.

25446295_537999469880065_6268434787254795940_n