Siyaasi Maxamed Ibraahim (Qabyo-tire Oo Shaaciyay In Uu U Sharraxan Yahay Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE

Hargaysa (Salaanmedia.com)_ -Wasiirkii hore ee wasaarada qorsheynta Somaliland Maxamed Ibraahim (Qabyo-tire) ayaa ka hadley hankiisa inuu u tartamaayo jagada gudoomiyaha xisbiga Kulmiye oo uu hore u sheegay in marka la gaadho wakhtigeeda u taagan yahay isla markaana xisbiga Kulmiye aaney cidi ka xigin.

Capture-46

Wasiirkii hore ee Wasaarada Qorsheynta Maxamed Ibraahim Qabyo-tire oo u warramey Wargeys-ka Geeska Africa ayaa ugu horeyn yidhi “hore waxaan u sheegay in aan isku soo sharaxaayo jagada Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, hankeyga Musharax-nimo ee gudoomiyaha xisbiga KULMIYE waxaa halkii oo kamaan tanaasulin marka wakhtigeeda la gaadho insha alleh, waana aan isku soo sharaxayaa waana aan u taaganahay jagadaas” ayuu yidhi Mr Qabyo-tire