WARBIXIN: Maxaad uga baahan tahay isku aadka 16-ka Champions League oo Maanta la sameynayo??

Waxaa maanta la sameyn doonaa isku aadka wareega 16 ka tartanka xiisaha badan ee Champions League.Champions league

Haddaba aqriso wax kasta oo aad uga baahan tahay isku aadka:

Waa Kuwee kooxaha u soo gudbay wareega 16-ka Champions League?

Manchester United

PSG

Liverpool

Tottenham

Besiktas

Manchester City

Barcelona

Roma

Basel

Bayern Munich

Chelsea

Juventus

Real Madrid

Sevilla

Shakhtar Donetsk

Porto

Sidee isugu aadi karan Kooxaha, waa sidee Sharciyada?

Kooxaha ku soo baxay kaalinta koowaad ayaa lagu ridi doonaa dheriga koowaad halka kuwa kalena la galinayo dheriga labaad.

Pot 1: Manchester United, Paris Saint-Germain, Roma, Barcelona, Liverpool, Manchester City, Besiktas, Tottenham

Pot:2: Basle, Bayern Munich, Chelsea, Juventus, Sevilla, Shakhtar Donetsk, Porto, Real Madrid

Kuwa ku soo baxay kaalinta koowaad waxay kulankooda koowaad ku soo ciyaari doonaan Bannaanka halka kulanka gurigooda uu u dambeyn doono.

Kooxaha ka soo wada baxay halka Group mise kuwa isku dalka ka soo jeeda iskuma dhici doonaan, Tusaale ahaan, Man United iyo Man City iskuma aadayaan halka Bayern Munich iyo PSG aysan isku dhici doonin maadaama ay hal Group ka soo wada bexeen.

Laakiin Sharcigan ma shaqeyn doono marka loo soo boxo quarter-final oo isku aadka mid furan ayuu noqon doonaa.

Goomar ayaa Maanta la sameynayaa isku aadka?

Waxaa la sameyn doonaa hadduu eebe idmo 2:00 Duhurnimo dhankeena.

Halkuu ka dhacayaa isku aadka?

Isku aadka ayaa ka dhici doona magaalada Nyon ee dalka Switzerland.

Goorama ayaa la ciyaarayaa kulamaa wareega 16 ka Champions League?

Waxaa lugta hore la kala ciyaari doonaa Feebaraayo 13/14 iyo 20/21 halka lugta labaad ka kala ciyaari doono Maarso 6/7 and 13/14.