Wasiiru Dawlayaasha Xukuumadii Madaxwayne Siilaanyo Oo Hargeysa Isku Urursanaya+Arrimo Khuseeya Xukuumadda Madaxwayne Kornayl Muuse Bixi Oo Ay Ka Wada Hadlayaan+Maxaa Soo Kordhay?

Hargaysa (Salaanmedia.com)_ Warar xog ogaal ah oo Warbaahintu helayso ayaa tibaaxaya in wasiiru dawlayaashii xukuumaddii madaxwayne Siilaanyo ay gudaha Hargeysa ka wadaan is urursi ay kulamo ku yeelanayaan badiba wasiiru dawlayaashii wasaaradaha ee xukuumadii madaxwayne Siilaanyo.
1-54-125x125

Wasiiru dawlayaashan oo badankoodu habeen hore kulan qarsoodi ah ku yeeshay hotel Ambassador ayaa xoguhu tibaaxeen in ay kaga wada hadleen arrimo khuseeya xilalkooda oo madaxwaynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi aanu wax digreeto ah oo uu xilal kaga qaadayo soo saarin iyo waliba qaabka ay u waajahayaan xukuumadda cusub ee madaxwayne Kornayl Muuse bIixi Cabdi.
wararku waxay sheegeen in wasiiru dawlayaashu ay kulamo danbe u ballameen iyaga kulankii habeen hore ay badankoodu ku kulmeena ku go’aamiyay in ay ballansadaan kulan ay qasriga kula qaataan madaxwaynaha cusub Muuse bIixi Cabdi.
Dhinaca kale wasiirada cusub ee loo soo magacaabay wasaaradaha dalka ayaa xoguhu waxay daaha ka faydeen in wasiiru dawlayaasha ay u diideen in xafiisyadii wasaaradaha ay soo fadhiistaan qaarkoodna ay ka reebeen gaadiidkii dawlada ee ay wateen,Waxaana wasiiru dawlayaasha wasiiradu diideen inay xafiisyadii fadhiistaan kamid ah wasiiru dawlihii wasaarada macdanta iyo Tamarta Somaliland Yuusuf Garas,isaga oo sidoo kalena laga dhigay gaadhigii uu watay.
is urursiga wasiiru dawlayaasha xukuumadii madaxwayne Siilaanyo ee ka socda gudaha Hargeysa ayaan la garanayn waxa kasoo bixi doona.