[ Akhri] :- Magacyadda Guddi Wasiirro Ah Oo Loo Magacaabay Xal U Helidda Qiima Dhaca Shilinka Somaliland

Hargaysa (Salaanmedia.com)_ Kal-fadhigii labaad (2aad) ee ay yeeshaan golaha wasiirada
Jamhuuriyadda Somaliland oo uu shir-gudoominayey Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi kuna wehelinaayey madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici ayaa dood-dheer oo ay yeesheen ka dib waxa shirkaasi ka soo baxay qodobo uu ka mid yahay in guddi loo saaro xal u helidda qiima dhaca shilinka Somaliland.

IMG_36E994-A4880F-3243BB-CFFD3A-AE15CF-47BC37

xubnahaas oo kala ah ayaa waxa ay kala yihiin:
1. Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maaliyada, Yuusuf Maxamed Cabdi.
2. Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga, Wershedaha iyo Dalxiiska, Maxamuud Xasan Sacad.
3. Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maalgashiga, Maxamed Axmed Maxamuud Cawad.
4. Wasiirka Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tignoolajiyadda, Dr Cabdiweli Sh Cabdilaahi Suufi.
5. Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo Horumarinta Kalluumaysiga, Xasan Maxamed Cali.
6. Guddoomiyaha Baanka Dhexe ee Jamhuuriyadda Somaliland, Maxamed Cabdi Ibraahim (Dhoobaale)

Xukuumaddii hore ee Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa marar kala duwan waxa ay guddi u magacowday xal u helidda sicir-bararka iyo qiimo dhaca shillinka Somaliland balse waxba kama hirgelin arrintaasi, waxa ayna bulsho weynta reer Somaliland u dhegtaagayaan sidda ay xukuumadda cusub u maarayso Sarrif bararka ka jira guud ahaan dalka.