MADAXWEYNE FARMAAJO OO SOO GAADHAY GAROOWE IYO AFHAYEEN KA HADLAY UJEEDADA SAFARKIISA

Garoowe (Salaanmedia.com)_ -Madaxweynaha dawlada federaalka ah ee soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo ayaa goor dhawayd soo gaadhay magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland.

f5(16)-1

f6(14)

Madaxweyne Farmaajo ayaa qorshaynaya inuu safarkiisa ku gaadho maamulada Puntland iyo Galmudug iyadad oo uu kulamo la qaadan doono madaxda maamuladaas iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.
Afhayeen u hadlay madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in safarkan uu madaxweynuhu ku mari doono dhulka fog ee maamul goboleedyada, waxaanu ka waramay ujeedadiisa, waxaanu yidhi “Safarka madaxweynaha oo qaadan doona maalmo waxa uu ku mari doonaa maamulada Puntland iyo Galmudug, waxaanan aad ugu faraxsanahay inuu madaxweynaha soomaaliya

f1(59)

uu wakhti badan u heli doono inuu bulshadiisa la hadlo oo uu la fadhiisto qaybaha kala duwan ee bulshada, oday dhaqameedyada,culimada, dhalinyarada, aqoonyahanka iyo cid walba oo ku sugan Galmudug iyo Puntland si loogu kuur galo xaalada deegaanadaas ka jira.”

f2(52)

Afhayeenka u hadlay madaxweyne Farmaajo oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas raaciyey “Safarka nolol iyo nabad waxa uu noqon doonaa mid taariikhi ah oo lagu gaadhayo bulshada meelaha fog fog joogta, wakhti fiicana uu madaxweynuhu la qaato si uu u ogaado xaaladahooda nololeed.”
Madaxweyne Farmaajo ayaa soo dhaweyn diiran kala kulmay shacabka iyo madaxda maamulka Puntland, waxaana la filayaa inuu maanta la qaadan doono kulamo kala duwan madaxda maamulka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

f3(38)