Al-Shabaab Oo Sheegtay In Askari Mareykan Dishay + [ Goobta Ay Ku Dishay ]

Muqdisho (Salaanmedia.com)_ Al-Shabaab ayaa sheegtay in dagaal ka dhacay duleedka Kismaayo ee
Gobolka Jubadda Hoose ay ku dishay askari Mareykan iyo afar askari oo ka tirsan Ciidamada AMISOM.

IMG_19F145-38E414-F956BE-E3F12E-C7ABDF-5BDCA5

Warbaahinta ku hadasha afka Shabaab ayaa sheegay in dagaal ka dhacay inta u dhaxeysa deegaanka Yoontoy iyo Buulo Gaduud lagu dilay Askari Mareykan ah iyo askar kale oo AMISOM ka tirsan.
Dadka deegaanka ayaa soo warinaya in shalay gelinkii dambe ay dagaalo ka dhaceen duleedka Kismaayo, kaasoo u dhaxeeya Ciidamo ka tirsan Jubbaland, Kenya iyo Ciidamo Mareylanka.
Wararka ayaa sheegaya in diyaarado qumaatiga u kaca ay dul heehaabayeen deegaanka dagaalka ka dhacay.
Ma jirto illaa iyo hada war ka madax banaan sheegashada Al-Shabaab oo ku aadan dilka Aksariga Mareykanka iyo Ciidamada kale ee AMISOM ka tirsan.
Hase ahaatee Ciidamada Mareykanka ayaa ka taageera Ciidamada Kumaandooska Soomaaliya howl galada ka dhanka Al-Shabaab.