“Dagaalkii Sokeeye Ina Cigaal Baa Abaabulay Isaga Ayaana Ujeedo Siyaasi Ah Ka Lahaa” Xisbiga KULMIYE Oo Eedaymo Culus U Soo Jeediyay Marxuun Madaxweyne Cigaal

Hargaysa (Salaanmedia.com)_ Xisbiga talada haya ee KULMIYE ayaa madaxwaynihii hore ee Somaliland Maxamed Xaaji Ibraahim AHUN, ku eedeeyey masuuliyadda dagaalkii sokeeyey ee dalka ka dhacay wakhtigii sagaashameyadii.
Guddoomiyaha golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE Jaamac Shabeel oo ka jawaabayay eedihii uu Faysal Cali Waraabe u jeediyey Madaxwayne Muuse Biixi iyo Wasiir Kaahin ee la xidhiidhay dagaalkii Sokeeye, ayaa sheegay in dagaalkaas uu abaabulay Madaxwayne Cigaal isla markaana uu ujeedo siyaasiya ka lahaa, taasina ay ahayd wax cad oo dadka u muuqatay, Jaamac Shabeel oo arrinkaas ka hadlaya ayaa sidan yidhi:
“Dagaalka (Sokeeye) anaga ayaa ku jirnay oo maleeshiyo ahayn anaguna waxaanu la dagaalamaynay dawladdii Ina Ibraahim Cigaal, amarradii uu ina Cigaal bixinayay ee uu idaacadaha adduunka ka sheegayay malaha way ka dhego la’aayeen, markii ugu dambaysay ee uu dagaalka joojinayayna wixii uu ku hadlayay way ka dhego la’aayeen malaha, ninbaa dalka haystay oo ka talinayay sidaa uu Muuse maanta u haysto ayuu u haystay, maanta wixii dalka ka xumaada Muuse ayaa ka masuul ah wixii uu wanaagsanaadana isagaa ka masuul ah, shalayna nin baa haystay ina Cigaal la yidhaahdo oo khatar ah oo dagaalka abaabulay markii dambena joojiyey, muraad siyaasi ahna wuu ku lahaa”.