Itoobiya oo sii kala googo’day Wadadii Bur burkana sii haysa ( Warbixin Iftiiminaysa Xaaladaha Ugu Dambeeyay ee Itoobiya ka Jira ) FAALO

FB_IMG_1518781530854

Burco (Salaanmedia.com)_ Alle wax buu dooney, Melez Zenawina waxbuu rabay waxa uuna rabay in Soomaali uu wada gumeysto; haseyeeshe, tii Alley noqotay oo bakhti Meles Zenaawi waxa uu ka tagay Itoobiya oo fooshu ku adkaatay 4 sano uun ka hor.

Maantase foolatey!

Waxa hadda oo aan qormadan qorayo laga soo sheegayaa in dagaal isir oo u dhexeeya Axmaarta iyo Tigray-ga uu ka socdo Walqeyt oo ah dhul ay labada qoomiyaddood naceybkoodii qarniyaalka soo jirtay dib uga bilaabantay. Khasaaraha baaxad leh oo naf iyo maalba leh ayaa laga soo sheegayaa.

Ka dib markii culeyskii ka dhashay cabudhinteeda uu la ciirey miisaankiisa waxaa ay danbarsatay Ra’iisal Wasaare Xayle Maryan Desalen oo xilkii uu Meles ka bakhtiyay ku fadhiyay taniyo 2012-kii. Wuuna is casilay culeys ugaga yimid dhinaca Jananada Tigray-ga ee gaashaandhiga iyo Sirdoonka ay talada ka go’do hayay 27-kii sano ee u danbeysay.

27 sano oo uu qaab rabshado leh iyo qoriga caaradiisa ku maareynayay Xisbiga Tigray-halkii uu dal 96 qoomiyadood ku nool yihiin ugu hogaamin lahaa sinaan iyo cadaalad-waxa uu shirkiisii u danbeeyay Tigray is la qaatay khalad dhankiisa ka yimid in ay Itoobiya danbarsatay. Si xun ayuuna isu dhaliilay qaar hore oo hogaankiisa ah ayuu eryay, halka kuwo cusubna uu magacaabay.

FB_IMG_1518781536038

Haseyeeshe, labadii sano ee u danbeysay waxa ay u aheyd “i jiid aan ku jiidee”, taas oo gacmo’daalis kaliya noqon ee sidoo kale madax-xanuun daran ku riday hogaanka TPLF dal iyo dibadba.

Waxa uu hoosta ka xariiqay in uu gacanbir ah kala horyimaado Oromo, si uu uga badbaado musiibada Axmaarada oo isaga ka dadcunsan la maagan tahay jab aan horey loo arag. Laakiin, waa mid uu la soo daahay dadkii waxa ay jabiyeen deyrkii cabsida waxa ayna barteen in “qaniinyo, qaniinyo kale kaa fujin karto”. Waxa ayna u la diyaar noqdeen wax walba oo shirqoolo ah.

Xisbiga xoreynta Tigray ee TPLF waxa ay qoraalo badan oo taageerayaashooda ah soo mariyeen baraha bulshada, iyaga oo leh: “Ha la duceysto.”

Tigray ma u baahan yahay qodobka 39-aad ee gooni’isutaaga?

Tigray waxa ay ka cabsanayaan haddii Axmaaro xukunka dalka la wareegto, markan, in ay sameynayaan Axmaartu wax walba oo ay ku cidhib tirtiri karaan, is la markaasna Axmaarada uga mid dhigi lahaayeen.

Tigray haddii uu Baarlamaanka marsan lahaa qodobka 39-aad, kaas oo qeexaya xuquuqda qoomiyad kasta u leedahay in ay yeelato dowlad Gobaleed, is la markaasna siinaya ilaa xaqa aayo ka tashi waa looga badan yahay Baarlamaankii amarkiisana waxa ka horyimid marar badan xisbiyada Oromo-da iyo Axmaada ee OPDO iyo ANDM u matala Xisbiga talada haya ee EPRD.

Haddii Soomaalidu si la yaab leh oo ka duwan Afrikada kale yihiin dad isir, af, dhaqan, diin iyo taariikh mid ah leh Itoobiya 96 kala isir, diin, dhaqan iyo af tahay ayaa ku nool, kuwaas oo badankoodu aaminsan yahay in jiritaankooda la iska indho’tiray ama aaminsan in la haysto: Kuwaas oo kala ah:

Aari, Afar, Agaw-Awi, Agaw-Hamyra, Alaba, Amhara, Anuak, Arbore, Argobba, Bacha, Basketo, Bench, Berta, Bodi, Brayle, Burji, Bena, Chara, Daasanach Dawro, Debase/ Gawwada,Dirashe,Dime, Dizi, Donga, Fedashe, Felasha,Gamo
Gebato, Gedeo, Gedicho,Gidole, Goffa, Gumuz, Gurage, Silt’e Hadiya, Hamar, Harari, Irob, Kafficho, Kambaata, Konta, Komo
Konso, Koore, Koyego, Kunama, Karo, Kusumie, Kwegu, Male Mao, Mareqo, Mashola, Mere, Me’en,Messengo, Majangir
Mossiye, Murle, Mursi,Nao, Nuer, Nyangatom, Oromo, Oyda Qebena, Qechem, Qewama, She, Shekecho, Sheko, Shinasha
Shita/Upo, Sidama, Somali, Surma, Tigray, Tembaro, Tsamai Welayta, Werji, Yem, Zeyese, Zelmam, iyo Dorze.

Haa, mid walba waxa uu la siman yahay isirka Soomaaliyeed ee ma aha qabaa’ilo. Ugu yaraan 15 ay ka mid yihiin Soomaalida, Canfarta iyo Oromadu waxa ay u dagaalamayaan gooni isu-taag iyo madaxbanaani buuxda.

In kasta oo Mareykan iyo Ingiriis sii wiiqidda Itoobiya danta ugu weyn ee ay ka lahaayeen ay aheyd in ay ka manaafacaadsadaan in ku fulin waxa ay isku dayayaan in ay badbaadiyaan dal ahaan oo ay soo dhisaan dowlad labada Qoomiyadood ee dalka ugu ballaadhan ku mideysan yihiin:
Axmaaro iyo Oromo.

Maxayse dal horey u bakhtiyay isku sii heyntiisa uga qaban karaan oo aan ka aheyn in ay sabab u noqdaan qowmiyadahan faraha badan in ay birta iska aslaan, sida hadda ka dhextaagan Axmaarada iyo Tigray-ga?

Qalinkii: Qoraa Sare Ahmed Abdi.