Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi Oo Booqasho Ku Tagay Maanta Xarunta Xisbiga Kulmiye.Feb05.18

Hargaysa (Salaanmedia.com)_ Madaxweynaha Somaliland, ahna guddoomiyaha xisbiga
KULMIYE, MudaneMuuse Biixi Cabdi, ayaa socdaal gaaban oo booqasho ah ku tegay maanta xarunta guud ee xisbul-xaakimka KULMIYE ku leeyahay caasimadda Hargeysa.

Booqashada uu madaxweyne, Muuse Biixi Cabdi ku tegay xarunta guud ee xisbiga KULMIYE oo aanay cidi ku wehelinaynin, ayaa waxa halkaas kusoo dhaweeyey xubno kamid ah hoggaanka xisbiga ah oo ay kamid yihiin guddoomiye-ku-xigeenka saddexaad ee xisbiga, mudane Xuseen Aadan Cadde, xoghayaha guud ee Xisbiga Kulmiye, mudane Xasan Siciid Yuusuf, guddoomiyaha golaha dhexe ee Xisbiga, mudane Jaamac Ismaaciil Cige (Jaamac Shabeel), guddoomiyaha garabka haweenka heer qaran ee xisbiga KULMIYE, marwo Canab Cumar Ileeye, madaxda garab-yada kala duwan ee xisbiga iyo taageerayaal xisbiga ah, kuwaas oo muujiyey sida ay ula dhacsan yihiin booqashada uu madaxweynuhu xarunta ku tegay isaga oo talada dalka hayey wax ka yar laba bilood.

https://youtube.com/watch?v=84w7RjUsJ3o