Muuse –ow Maanta Hadii Aan Dhinto Aakhiro Luxudka Ayaan Kuu Fadhiyaa ..” Abwaan Baarleex + [Muuqaal ]

Hargaysa (Salaanmedia.com)_ Abwaan Baalreex oo ka mid ah abwaaniinta Somaliyeed ee ku
nool magaalada Hargeysa ayaa waxaa uu maanta ka hadley xaaladiisa caafimaad oo mudooyinkii u danbeeyey aad u liidatey .

Abwaan Baarleex ayaa waxaa uu mar kale baaq u diray dhamaan madaxda Somalida ee Kililka Shanaad , Jabuuti , Somaliya iyo Somaliland .

Sidoo kale Abwaan Baarleex ayaa sheegay in madaxweyne Muuse Biixi aanu soo booqanin isla markaana aanu wax u qabtey aaney jirin , waxaana uu carabka ku dhuftey in uu ka mid yahay dadka uu Madaxweyne Muuse Biixi xilka u qaadey isla markaana wax laga weydiin doono maalinta aakhrina uu luxudka u fadhiyo hadii uu maanta sidas ku dhinto .

Dhinca kale Abwaan Baarleex ayaa amaan u jeediyey gudoomiyaha xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Ciro oo uu sheegay in uu booqasho ugu yimid waxii dhinaciisa uu la qaban kaareyeyna uu la qabtey

Halkan Hoose Ka Daawo

https://youtube.com/watch?v=8WuRY7riMgY