DAAWO: “Heshiiska Dekedda Berbera Waxa Uu Ka Dhexeeyaa Somaliland Iyo Shirkadda DP World Oo Kaliya, Cid Saddexaad Oo Saami Ku Leh Ma Jirto…” Dib U Xasuuso Hadalladii Ex. Wasiir Maxamuud Xaashi Ka Hor-jeediyay Golleyaasha.

Hargausa (Salaanmedia.com)_ Wasiirkii hore ee wasaaradda Madaxtooyadda Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa markii la ansixinayay heshiiskii ay shirkadda DP World kula wareegaysay maamulka Dekedda Berbera waxa uu labada golle ee sharci-dejinta iyo guurtida ka hor sheegay in heshiiska lagu maal-galinayo dekedda berbera uu u dhexeeyo xukuumadda Somaliland iyo shirkadda Dp World oo kaliya cid-na aan laga iibin karin saamiga dhawrka sanno ee hore.

Halkan hoose ka DAAWO hadalkii Ex Wasiir Maxamuud Xaashi

Haddabada su’aasha is weydiinta mudan waxa ay tahay goorma ayuu heshiiska dekedda Berbera noqday saddex geesood oo ay qayb ka noqotay dawladda Itoobiya.