[Deg Deg] :- Mooshinkii Laga Gudbiyey Gudoomiyaha Baarlamaanka Somaliya Oo Fashilmay Iyo Cida Fashilisay + [ Akhriso ]

Muqdisho (Salaanmedia.com)_ Wararka ka imanaya Magaalada Moqdisho ee xarunta dalka Somaliya
waxaa ay sheegayaan inuu guuldareystay isku daygii Xildhibaano ka tirsan Golaha shacabka ay mooshin kalsooni kala noqosho ka geeyeen Guddoomiye Jawaari.

IMG_03BF96-B3DC0C-F598AD-015B20-F9A336-1A3C16

Ilo lagu kalsoonaan karo oo ayaa sheegaya inuu jabay mooshinka Jawaari, kaddib markii uu dhameystirmi waayay tiradii loogu tala galay in mooshin ka geyso Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo ah 3/1 (seddex meel hal meelood) una dhiganta 92 xildhibaan ugu yaraan

Wararka ayaa sheegaya in Xildhibaano gaadhaya 16 ay ka laabteen Mooshinka, isla markaana 91 Xildhibaan ay ku soo aruureen Xildhibaanada, sidaas darteedna loo baahnaa in 92 Xildhibaan , sidaasna uu ku jabay mooshinkii

Inkastoo Guddiga Joogtada aanu wali soo saarin wax go’aan ah, hadana waxaa wali kulan uga socdaa xarunta Villa Hargeysa, waxaana la sheegayaa in goor dhow laga soo saari doono go’aan.

Xubnaha Guddiga Joogtada ayaa weydiistay Guddoomiye C/wali Ibraahim Muudey inuu soo bandhigo tirada rasmiga ah ee saxiixay mooshinka, si mooshinka u dhaqan galo, balse ma aanu soo bandhigin, isagoo ku adkeystay in tirada ay dhan tahay.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa u muuqda in qalalaase siyaasadeed uu dhexda ka galay, iyadoo maalin ka hor la furay Kalfadhigii 3aad ee Golaha shacabka, waxaana dad badan saadaalinayaan in qalalaasaha hada bilowday inuu saameyn ku yeelan karo hey’addaha dowladda