Ganacsade Cabdiraxmaan Boore Oo Doorweyn Kuleh Xarunta Ganacsiga Somaliland Ee Dubai Oo Madaxweyne Muuse Biixi Xadhiga Ka Jaray .

Dubai (Salaanmedia.com)_ Ganacsade Cabdiraxmaan Boore oo u dhashay Dalka Jabuuti balse khilaaf dhexmaray Dawladda Dalkiisa debad yaal muddo dheer aha, ayaa doorweyn oo muhiim ah wuxuu ku leeyahay xafiiska ganacsi ee Somaliland ku leedahay Dubai .

D35AC6D4-BCCF-45F4-96E5-8639FEF230AF-150x150

Ganacsade Cabdiraxmaan Boore ayaa lagu tilmaama ninka Somaliland u soo hoggaamiyay Sherkada DP World oo uu aad ugu dhawyahay isagoo soo mariyay Wakiilka Somaliland u jooga Dalka Imaraadka Baashe Cawil .
Xogo muhium ah oo ay heshay Shabakada wararka Somalilandtoday ayaa shaaca ka qaaday In Xarun ganacsi oo uu Madaxweynaha Somaliland xadhiga kaga jaray Magaalada Dubai ka hor intaanu Dalka ku soo laaban uu doorka ugu weyn furitaankeeda ku leeyahay Ganacsade Cabdiraxmaan Boore, isagoo si hoose ugala shaqaynaayay Baashe Cawil oo ay aad isu fahmeen ilaa wakhtigii Sherkada DP World dhinaca Somaliland soo hunguraysay.
Ganacsade Cabdiraxmaan Boore ayaa xidhiidhka iyo xadhkaha uu ka samaystay Somaliland isagoo Xafiiska Dubai is ticmaalaya danta ugu weyn ee uu ka leeyahay waxaa lagu sheega miduu kaga aar gudanaayo Madaxda Dawladda Jabuuti gaar ahaan Ismaciil Cumar Geele . Geesta kale Wakiilka Somaliland Baashe Cawil ayaan isaguna qarsan Dagaalka Dawladda Jabuuti isagoo la jaal ah saxiibkii Ganacsade Cabdiraxmaan Boore, waxayna xaqiijinayaan wararka Somalilandtoday heshay in Cabdiramxaan Boore iyo Baashe Cawil Jabuuti u adeegsadeen marar badan Guddoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe iyo siyaasiyiin kale si ay u caayaan Jabuuti