Gudida Sicir Bararka. Oo isku Dhufanaysa. Telesom iyo sariflayaasha Oo Suuqa Ka Baxaaya oo Ka Diiday TELSOM inay Suuqa Ka Saarto Sariflayaasha;

Hargaysa (Salaanmedia.com)_ Gudida la dagaalanka sicir bararka ee Madaxwayne Muse Bixi sameeyay ayaa maanta mar labaad ku celiyay digniin ay siiyeen shirkadaha Zaadka iyo eDahab. Gudidu waxay hore ugu dhowaaqday in aan wax ka yar boqol dollar aan lagu isticmaali karin Zaadka marka laga bilaabo bisha March 13keeda (oo laba casho inaga xigto). Markii dawladu ay ku dhowaaqday arrinkan ayaa shirkada Zaadku waxay samaysay in ay dadka ku tidhaahdo lacag dollar ah ku shubta Zaadka, ka dibna Zaadka ayaa dollarka sarifay oo macaamiisha siinaya Shillinka Somaliland si ay wax ugu iibsadaan.

Arrinkan oo diidmo qayaxan ku noqonayaa amarkii dawlada. TELSOM waxay markaa noqotay sariflihii ugu waynaa wadanka, sariflayaashii oo dhana way wada kacayaan waayo lama tartami karaan TELSOM. Sidaasaa maanta dawladu mar labaad ugu dhowaaqday iyada oo ka diiday TELSOM inay noqoto Sariflaha waddanka ugu wayn oo ay meesha ka saarto dhamaan sariflayaasha Somaliland oo dhan. Jariidada Badhtamahu way ku hambalyaynaynaa dawlada inay difaacday dan yarta iyo dhamaan sariflayaasha Somaliland oo dhan.