Hargaysa (Salaanmedia.com)_ Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo wefti ballaadhan
oo uu hoggaaminayo, ayaa maanta safar shaqo ugu ambo baxay dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta oo madaxweynaha u fidiyey marti-qaad rasmi ah una soo diray diyaar khaasa oo ka qaaday garoonka diyaaraha ee Cigaal International.
https://youtube.com/watch?v=NEEDRc-m7lA
Madaxweynaha iyo weftigiisa oo ay xubno ka yihiin wasiirrada wasaaradaha Arrimaha dibadda Dr. Sacad Cali Shire, Qorshaynta, Mudane Cawaale Ibraahim Shirwac, Horumarinta Biyaha, Mudane saleebaan Yuusuf Cali Koore, Xidhiidhka goleyaasha iyo arrimaha distoorka, Mudane Maxamuud Xaaji Aadan, Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, Mudane Boos Mire Maxamed iyo guddoomiyaha xisbiga UCID, Eng. Faysal Cali-waraabe, ayaa dalka kaga baxay marti-qaad rasmi ah oo ay ka heleen dawladda Isu-tagga Imaaraadka Carabta, waxaana madaarka caalamiga ah ee Cigaal International Airport ka qaadday diyaarar khaas ah oo Dalkaas looga soo
Ka hor intii aanay weftiga uu madaxweynuhu hoggaaminayaa ka ambo bixin madaarka Cigaal International Airport, waxa socdaalka weftiga faah-faahin ka bixiyey wasiirka horumarinta Biyaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Saleebaan Yuusuf Cali Koore, isaga oo carrabka ku ballaadhiyey inay weftigu marti-qaad rasmi ah ka heleen dhaxal-sugaha dalka Imaaraadka Carabta