Madaxweyne Muuse Biixi Masuul Aan Warbaahinta La Hadal Saddex Safar Oo Uu Dalka Kaga Baxay Balse La Hadley Warbaahinta Dalalka Uu Tago

Hargaysa (Salaanmedia.com)_ Madaxweynaha Somaliand Md Muuse
Biixi Cabdi ayaan warbaahinta dalkiisa la hadal saddex safar oo uu dalka kaga baxay .

IMG_A3FD32-627F0D-F3C966-CBA921-635D54-1681D7

Safaradan ayaa kala ah saddex safar oo uu ku kala tagay dalalka Itoobiya , Jabuuti Iyo Imaraadka Carabta

Waxaana safaradiisan ugu danbeeyey safar uu maalintii shalay aheyd ka soo laabtey oo u ku tagay dalka Imaraadka Carabta , waxaana isaga iyo wafti uu hogaaminaayo ay shalay galab ka soo degeen madaarka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa .

Madaxweynaha oo ay bulshada Somaliland filaneysay in uu safarkiisan la hadalo , isla markaana u faah faahiyo waxyaabihii u soo qabsoomey intii uu imaraadka Joogay ayaan la hadlin warbaahinta isla markaana toos u dhaafay qolka nasashada ee Madaarka Hargeysa .

Taas badelkeeda waxaa warbaahinta la Hadley ugana xog waramey bulshada safarkooda gudoomiyaha xisbiga UCID iyo wasiirka wasarada Biyaha Saleeban Cali Koore .

Ma aha markii koowaad ee sameeyo madaxweyne Muuse Biixi talaabooyin noocan oo kale ah ,sidoo kale waxaa iyaduna xusid Mudan in marka uu madaxweynuhu dalka uu ka baxo aanu warbaahinta la hadal balse uu la hadalo warbaahinta joogta dalalka uu booqashada ku tago .