Puntland Oo Soomaaliya U Soo Jeediyay Inaanay La Galin Somaliland Wada Hadal Puntland Ka Maqan Tahay Iyo Nuxurka Warqad Ay Ka Hor Akhriyeen Baarlamaanka Soomaaliya

Muqdisho(Salaanmedia.com)_ -Qoraal dheer oo uu Gudoomiyaha Baarlaamkan Maamul Goboleedka Puntland Axmed Cali Xaashi ka hor akhriyay baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxa uu u soo jeediyay inaanay Dawlada Faderaalku wada hadal ay puntland ka maqan tahay la galin Somaliland isagoo sheegay inay Gobolada Sool Iyo Sanaag ee Somaliland ka mid yihiin dhulka Xuduuda Puntland leedahay.

punt

Masuulkan oo khudbadan ka hor akhriyay Kalfadhigii 3-aad ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxa uu yidhi“Puntland waa Qayb ka mid ah Soomaaliya,Waxaanay soo dhawaynaysaa Wado toosan oo kasta oo loo marayo dib u heshiinta iyo midnimada Shacabka Soomaaliyeed,Hase yeeshee Puntland waxay leedahay Dastuur dhamaystiran,oo ku cad gobolada ay Puntland ka kooban tahay iyo xuduudaheeda,Sida uu qabo Qodobka Todobaad ee Dastuurka Puntland,sidaa awgeed waxaanu soo jeedinaynaa inaanay Dhicin wax wada hadal ah oo ay Puntland ka maqan tahay oo aanay dhinac ka ahayn oo khuseeya Gobolada Puntland,gaar ahaan Gobolka Sool Iyo Sanaag,oo dawlada Faderalku la gasho cid aan arimahaasi goboladaasi khusayn”.
Waxa kale oo uu yidhi“Waxaanu u cadaynaynaa Dawlada Faderalka Soomaaliya,Beesha Caalamka,iyo cid kasta oo danaysa Xasiloonida,iyo inay Gobolada Sool iyo Sanaag ka mid yihiin dawladda Puntland ee Soomaaliya,qayb ka yihiin Dawlada Faderaalka Soomaaliya,Wakiilada laga soo doortayna ay fadhiyaan labada gole ee Baarlamaanada Soomaaliya hadda u fadhiya,sidaas awgeed waxaanu cambaaraynaynaa sheegashada iyo Xadgudubka,oo ay wadaan Dalalka Itoobiya iyo Imaaraatka oo lid ku ah Qaranimada iyo Midnimada Somaliland