Somaliland Oo Dacwad Ka Gudbisay Idaacadda VOASomali

Hargaysa (Salaanmedia.com)_ -Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa waraaq dacwad ah ka gudbisay laanta AfSoomaaliga ee Idaacadda VOA , sida ay baahisay Wakaalada Wararka Somaliland ee SOLNA.

voasom-696x385-150x150

Waraaqdan dacwada ah oo ka soo baxday 18 kii bishan March xafiiska wasiirka wasaaradda Warfaafinta Jamhuuriyada Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Faarax (Guri-Barwaaqo) waxa lagu socodsiiyay ku simaha Agaasimaha Qaybta Africa ee VOA Scott Stearns, lana ogaysiiyay Madaxa laanta Af Soomaaliga Cabdiraxmaan Yabarow ayaa lagu sheegay in laanta Afka Soomaaliga VOA waddo dhex dhexaad la’aan isla markaana ka xagliso Jamhuuriyadda Somaliland.
Warqadan ayaa lagu sheegay in badhtamihii sannadkii 2017kii Jamhuuriyadda Somaliland u dirtay VOA cabashooyin in ka badan saddex jeer, kuwaasi oo aan waxba laga beddelin habkii ay wax uga baahinaysay Somaliland.
Siday werisay Wakaallada SOLNA, Waxa warqada lagu xusay barnaamijkii dooda ahaa ee 15 March ka baxay ka laanta Af Soomaaliga ee ku saabsanaa heshiiskii Dekedda Berbera ee ay wada galeen DpWorld,Somaliland iyo Ethiopia, taasi oo ay ka muuqatay in loo xaglinayo dadkii ka soo horjeeday heshiiskaasi dhinaca Somalia.
Ugu dambayn waxaa waajib nagu ah inaanu dib u eegno heshiiskii xukuumadda Somaliland iyo VOA-da.
Xukumadda ayaa dacwad tan la mid ah dhawaan ka gudbisay laanta afka Soomaaliga ee BBC-da waxaanay nuxurka dacwadaasi ahayd in aanay Somaliland iyo Somalia arrimahooda dhex ka istaagin marka ay ka faalloonayso. Cabashooyinka xukumadda Somaliland iyo idaacaddahan Maraykanka iyo Ingiriiska laga leeyahay ayaa soo noqnoqday.