WASIIRKA ARRIMAH GUDAHA OO MAANTA SOO GANAANADAY COLAADII TAALAY DEEGAANKA CEEL-AFWAYN..MARCH14.18

Veel afweyn (Salaanmedia.com)_ Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Iyo Watigii Uu Hogaaminayey ee Gudidii Golaha Guurtida Ee Arrimaha Nabadaynta Ujoogay Deegaanka Ceel Afweyn Ayaa Maanta Guud Ahaamba Soo Gaba-gabeeyey Xidhitaankii Nabada Beelaha Walaalaha Ah Ee Dirirtu ku Dhex Martay Deegaanka Ceel Afweyn, Waxaana Maanta Loo Kala Qaaday Lacagtii Xabaalo Qodka Ahayd Ee Dadkii Ay Kala Dileen Iyo Ganaaxii heshiiskii hore (qoontii ) La Jabiyey ama ee lagu xukumay shirkan kii ka horeeyey.

m1

m2(140)

m5(86)

m3(120)

Wasiirka Ayaa Shir Balaadhan Oo maanta Ka Qabsoomay Hoolka Shirarka Ee Guriga martida Kana Soo Qayb Galeen Wasiirka Arrimaha Gudaha Maxamed Kaahin Axmed, Badhasaabka Gobolka Sanaag Maxamed

Ismaan Caalin , Maayirka Ceerigaabo Ismaaciil Xaaji Nuur , Gudiyada Labada Reer Ee Dirirtu Dhex Martay , Xidhayaasha Labada Reer Iyo Culimo Aw diinka Dalka Gudihiisa Iyo Debada Iskaga Kala yimid.
Shirkan Oo Ku Bilaabmay Jawi Degan Ayaa Labada Daraf Ee Colaadu Dhex Martay Loogu Kala Qaaday Xabaalo Qodka Dadkii Ku Kala Dhintay.

m4(113)

m5(87)

m7(59)

Beesha Baho Ee Habar Jeclo Bari Oo Ay Gacantooda Ku Dhinteen 8 Ruun Waxa Laga Qaaday $80,000 Oo Ay Siiyeen Beesha Idarays Ee Ay Ka Dileen , Halka Beesha Idaraysna Bixisay $70,000 Oo Ay Siiyeen Baho.
Sidoo Kale Waxa Beesha Baho Oo Jabiysay Heshiiskii Hore Laga Qaaday Ganaab(Goon) Dhan $20,000 oo Dollar,Shirkan Ayaa Layskuna Cafiyey Sidoo Kale Waxa Halkaasi Looga Yeedhiyey Go’aan Ay Soo Saartay Golaha Guurtidu Kaasi Oo Ay Ku Amraysay In Wixii Lagu Kala Qabsaday Dagaalkii Dararweyne Ee Hub Ahaa Laysku Celiyo.