Akhriso Liiska Magacyada Golaha Wasiirrada Itoobiya Iyo Saami Qaybsiga Qoomiyadaha…April19.18

Addis Ababa(Salaanmedia.com)-Baarlamaanka dawladda Federaalka Itoobiya ayaa maanta ansixiyay golaha wasiirrada ee uu soo dhisay ra’isal wasaaraha dhawaan la doortay Mr Abiy Axmed Cali. Golaha oo ka kooban ilaa 16 masuul ayaa loo qaybiyay qoomiyadaha Itoobiya oo ay metelayaan xisbiyadoodu.

Itob-696x464-150x150

1) Mottuma Mekasa oo ah xisbiga Oromada OPDO waa wasiirka difaaca;
2) Siraj Fegessa oo ka soo jeeda xisbiga bulshooyinka Koonfurta Itoobiya ee SEPDM waa wasiirka gaadiidka’
3) Shiferaw Shigute oo ah xisbiga SEPDM waa wasiirka beeraha iyo xannaanada xoolaha;
4) Ahmed Shide oo ka soo jeeda xisbiga Soomaalida Itoobiya ee ESPDP waa wasiirka isgaadhsiinta;
5) Berhanu Tsegaye oo ah xisbiga Oromada ee OPDO waa xeer ilaaliyaha guud;
6) Hirut Woldemariam oo ah xisbiga SEPDM waa wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada;
7) Teshome Toga oo ah xisbiga SEPDM waa wasiirka ganacsiga dawliga ah;
8/ Umer Husien oo ah xisbiga OPDO waa wasiirka maaliyadda
9) Ubah Mohamed oo ah xisbiga ESPDP waa wasiirka tignoolajiyada (ICT)
10) Ambachew Mekonen oo ah xisbiga Axmaarada ee ANDM waa wasiirka warshadaha;
11) Fozia Amin oo ah xisbiga OPDO waa wasiirka dhaqanka iyo dalxiiska;
12) Zanterar Abay oo ah xisbiga ANDM waa wasiirka horumarinta magaalooyinka iyo guryaynta;
13) Meles Alemu oo ah xisbiga SEPDM waa wasiirka Macdanta iyo Tamarta
14) Yalem Tsegaye oo ah xisbiga Oromada ee TPLF waa wasiirka haweenka iyo carruurta
15) Melaku Alebel oo ah xisbiga ANDM waa wasiirka ganacsiga
16) Amir Aman oo ah xisbiga ANDM waa wasiirka caafimaadka.