Anigu Isma Casilayo, Xukuumadda Iyadaa Gabtay Waajibkeeda Ee Ha Is Casiho” Gudoomiye Jawaari Oo Iminka Hadley +[ Muuqaal ]

Muqdisho (Salaanmedia.com)_ Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka
Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo goor dhow shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa ayaa sheegay in Madaxweynaha uu ku guuldareystay inuu kala dhex galo dhinacyada khilaafka u dhaxeeyay, isagoo xusay in maalinkii uu baajinayay kulankii Sabtida uu qabsaday muddo 10 cisho ah in lagu xalinayo khilaafka, balse aanay arrintaas waxba ka suura gelin.

Guddoomiye Jawaari ayaa sheegay in meeshii uu ka sugayay Madaxweynaha soo jeedin odaytinimo iyo wixii sharci la raaco in isaga la yidhi is casil, taasna ay tahay wax aan la aqbali karin.

Waxa uu sheegay in Xukuumadda ay howsheeda gabtay, isla markaana iyada loo baahan yahay inay is casisho, waxaana uu intaa ku daray in qalalaase badan ay abuureen, isla markaana ku kaceen falal aan fiicneyn, sida inay ku talax tageen xormadii Baarlamaanka.

Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Warkan