“Somaliland Waa Meesha Aanu Ugu Jecelahay….” Madaxa Shirkadda Shidaalka Ee Genel Energy Mr. Bill Higgs

Hargaysa (Salaanmedia.com)_ -Madaxa hawlgalinta shirkadda shidaalka ee Genel Energy Mr Bill Higgs ayaa waraysi uu dhawaan bixiyay ku sheegay in heshiiska ay kula jiraan dawladda Somaliland ee shidaal soo saarista ah yahay kan ay ugu jecel yihiin.

Waraysi uu dhawaan telefoonka ku siiyay wakaaladda Reuters guddoomiyaha Shirkadda Genel Energy Mr Murat Ozgul waxa uu ku sheegay in ay sanadka 2019 shidaal qodis ka bilaabi doonan Somaliland. Shirkaddan ayaa sahan shidaal ka bilawday Somaliland 2012 waxaanay xoogga saarta gobollada Kurdiyiinta Ciraaq waxaanay ka diwaangashan tahay Ingiriiska.
Waraysi dhinacyo badan oo laga qaaday Bill Higgs ayuu ku soo qaaday hawlgallada Genel ee Marooko iyo Somaliland wuxuuna ammaanay hawlaha shidaal baadhista iyo soo saarista ah ee ay ka wadaan Somaliland.