Warbaahinta Calaamka Kuwooda Ugu Afka Dheer Oo Somaliland Booqasho Ku Jooga.

Hargaysa (Salaanmedia.com)_ Wefti suxufiyiin ah oo ka socda warbaahinta caalamiga
ah ee Arab News, Al Bayan News, Gulf News, Al Ain News iyo Associated Press News(AP), ayaa soo gaadhay caasimada Jamhuuriyadda Somaliland ee Hargeisa.

IMG_809CB3-244A50-156E2C-C5AFBA-030B47-F577EB

Ujeedada ugu weyn ee suxufiyiintan ka socda warbaahinta caalamiga ah ee dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabtu u yimaadeen Somaliland ayaa ah inay warbixino caalami ah ka gudbiyaan taariikhda Dalka Somaliland, iyaga oo si qoto dheer uga faaloon doona horumarka muuqda ee ay Somaliland ka sammaysay dhinacyada dimuqraadiyada, ganacsiga, iyo arrimaha bulshada.
Suxufiyiintan ka socda warbaahinta caalamiga ahi waxay maalmaha kooban ee ay somaliland joogaan booqasho ay ku samayn doonaan goobaha taariikhiga ah ee ay leedahay Somaliland, sidoo kale waxay warraysiyo kala duwan la yeelaan doonaan Haldoorka Somaliland Iyo madaxda Dalka Jsl.
Wariyeyaasha oo bookhda dekedda magaalada Berbera waxay warbixin ay ku daabaceen Gulfnews ku ammaaneen isbedelka shirkadda Dp World ku samaysay muddadii ay ka talinaysay. Sidoo kale waxay ku sheegeen in wasiir Sacad Cali Shire u sheegay in aanay cidna hor istaagi Karin heshiisyada horumarineed ee Somaliland iyo Imaaraadka.
Cali Ismaaciil Maxamuud madaxa hawlgalinta dekedda Berbera ee DP World ayaa wariyeyaasha u sheegay in isbedello badan lagu sameeyay hannaanka shaqo ee dekedda. Waxa uu sheegay in qalab kala duwan lagu soo kordhiyay dekedda, islamarkaana tababarro la siiyay shaqaalaha ka hawlgala.
Cali waxa uu sheegay in 780 qof oo muwaadiniin ah ka shaqeeyaan dekedda, sidoo kalena ay dhaqaalaha gobolka wax ku kordhiso. Waxa uu sheegay in dhulka Berbera qiimihiisu kor u kacay, islamarkaana shirkado badan oo danaynaya maalgalin ganacsi imanayaan.
Wasiir Sacad Cali Shire waxa uu u sheegay in aanay jirin cid faro gelin ku samayn karta heshiiska Somaliland la gashay DP World ” Heshiiskani waa heshiis ganacsi iyo dhaqaale oo cid walba oo gobolka Geeska Afrika ah faa’iido u ah. Waxyaabaha Soomaaliya ku andacoonaysa waa wax aan sal lahayn kuwaas oo aan waxba ka bedelayn xaqiiqada dhulka taalla,” Sidaas ayuu yidhi Dr Sacad.
Warbixinta waxa lagu sheegay in Dp World bishii dekedda ka siiso $4800 jaamacadda Badda iyo Kalluumaysiga ee Berbera taas oo ay ka qalin jabiyeen 85 arday oo 12 ka mid ah haween yihiin. Waxa kale oo ay $770,181 ku bixisay sanadkii u dambeeyay goobaha waxbarashada, masaajido, cisbitaallo iyada oo 5 ceel u dhistay bulshada degaanka.