Raysal Wasaaraha Somaliya Oo La Kulmay Dhigiisa Dalka Itoobiya + [Arimaha Ay Ka Wada Hadleen ]

Addes Ababa (Salaanmedia.com)_ Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda
Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre ayaa magaalada Addis Ababa kula kulmay Ra’iisul wasaaraha Ethiopia, Dr. Abiy Ahmed

IMG_16EB20-C5A3DF-D09D3C-A5B211-B51B98-5C24FD

Kulankan oo ahaa mid midho Dhal ah ayaa qodobadii labada Ra’iisul wasaare ay uga wada hadleen waxaa kamid ahaa koboca dhaqaalaha, caafimaadka, waxbarashada iyo amniga guud ahaan gobolka gaar ahaan sidii labada dal ay isaga kaashan lahaayeen la dagaalanka argagixisada.

Wasiirka Qorshaynta Mudane Jamaal Maxamed Xasan, Wasiiru Dawlaha Arrimaha Dibadda, iyo Safiirka Soomaaliya ee dalka Ethiopia ayaa ku wehliyey Ra’iisul wasaaraha kulanka uu la yeeshay Dr. Abiy Ahmed.

Kulankaan ay Addis Ababa ku yeesheen labada Ra’iisul Wasaare ayaa noqonaya kii u horreeyey tan iyo xilligii uu Dr. Abiy Ahmed uu noqday Ra’iisul wasaaraha dowladda Ethiopia.