Somaliland Oo Maalintii Labaad Gargaar Is Daba Joog Ah Gaadhsiisay Deegaannadii Ay Ku Dhufteen Roobabkii Dabaylaha Watay + [ Sawiro ]

Hargaysa (Salaanmedia.com)_ Xukuumadda Somaliland, ayaa sii dardar gelisay
ololaha ay gargaarka ku gaadhsiinayso dadweynihii ay saamaysay masiibadii ka dhalatay roobabkii dabaylaha watay ee dhawaan ku dhuftay deegaannada xeebta ee gobollada Saaxil, Salel iyo waqooyiga gobolka Awdal, waxaana ay maanta kaalmooyin is daba joog ah gaadhsiisay deegaanno tiro badan oo ay dhibaatadaasi taabatay

33184015_1659143527532827_235979053864058880_n

33298730_1659142897532890_7431850150156304384_n

Tiro kamid ah diyaaradaha qummaatiga u kaca ee dhawaan Jamhuuriyadda Somaliland ay ku caawisay dawladda Isu tagga Imaaraadka Carabtu oo ay ka buuxaan gargaar xukuumaddu diyaarisay, ayaa subaxii hore ee saaka la gaadhsiiyey deegaannada Cabdi geeddi, Gargaara, Bullaxaar, Tuurka Ceel-sheekh iyo Geerisa oo dhammaantood kamid ahaa meelihii masiibadu ku dhufatay, waxaana gargarkaas oo isugu jirey Raashin, Timir, Biyo, Dhar iyo Bacaha roobka iyo qorraxda celiya hoggaaminayey xubno xukuumadda katirsan oo gaadhsiiyey dadweyne tabaalaysan oo goobahaas ku sugan

33223725_1659142930866220_5475453252172513280_n

33125722_1659143474199499_715619668378779648_n

.Madaxda xukuumadda u qaabilsan deegaannadan oo iyagu halkaas kusii sugnaa, ayaa guddoomay deeqaha gargaarka ah ee ay xukuumaddu gadh-wadeenka ka ahayd, waxaana ay isla markiiba u qaybiyeen dadweyne tabaalaysan oo halkaas ku sugnaa, kuwaas farxad iyo rayn-rayn ku qaabilay kaalmada xukuumaddu kor kacayso ee la gaadhsiiyey.

33310163_1659143340866179_3516033848263573504_n

Dadweynaha gargaarka la gaadhsiiyey, ayaa xukuumadda uga mahadceliyey sida ay xilka iskaga saartay inay intii karaankeeda ah kaalmayso dadka dhibaataysan, waxaana ay ka mahadceliyeen gargaarka degdegga ah ee halkooda lagu gaadhsiiyey.

33041409_1659142330866280_288409274424492032_n

Intii hawlaha gurmadka iyo gargaarka ah lagu gudo jirey waxa faahfaahin ku saabsan heerka ay taakuladu marayso bixiyey madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaah Ismaaciil (Saylici), isaga oo baaq u diray dhammaanba bulshada reer Somaliland meel kasta oo ay joogaanba.

33342396_1659143977532782_3268921895570898944_n

Ugu horrayn madaxweyne-ku-xigeenku waxa uu shaaca ka qaaday inay dawlad ahaan tiro badan oo kamid ah goobihii masiibadu ku habsatay ay gaadhsiiyeen taakulo kala duwan, isaga oo hoosta ka xarriiqay in deegaannada weli hadhsan badidooda loo qorsheeyey in wixii gargaar ah lagu gaadhsiiyo gaadiid, “Guddi ahaan wixii Gargaara bari ka xiga ee Berbera laga soo bilaabo ilaa Lughaya in Berri laga bilaabo wixii gaadiidku geli karo berri laga bilaabo, wixii aan gaadiidku geli karina ay diyaaraddu weli sii socoto,” ayuu yidhi Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil(Saylici).

33041409_1659142330866280_288409274424492032_n

Xukuumadda Somaliland waxa ay dawladda Imaaraadka carabta uga mahadcelinaysaa gacanta balaadhan ee ay ka geysatay gurmadka xaalada duufaantu sababtay ee dadku ku waxyeeloobeen xeebaha Somaliland, kuwaas oo la gaadhsiiyay mucaawimo kala duwan ka dib markii imaaraadku, Somaliland ku caawiyey diyaarado nooca qumaatiga u kaca ah.

33197438_1659143154199531_8625507181887750144_n

33333785_1659143777532802_3471371265036517376_n

Dhammaanba bulshada reer Somaliland iyo cid kasta oo diyaar u ah inay gacan ka geysato dhibaatada dhacday waxa uu madaxweyne ku-xigeenku ka codsaday inay wixii taakulo ah kusoo shubaan akoonnada kala aha 575 iyo 574 oo ka furan Baanka dhexe ee dawladda.

33239227_1659141710866342_4190566051307585536_n

33301718_1659141894199657_317764641453244416_n