Xukuumadda Somaliland Oo Ka Jawaabtay Baaqii Beesha Caalamka Ee Dagaalka Tuka-Raq

Hargaysa (Salaanmedia.com)_ Xukuumadda Somaliland ayaa ka jawaabtay baaqii ay
wadamada beesha caalamku ka soo saareen dagaalkii Somaliland iyo Puntland ku dhex maray Tukaraq, waxaanay beesha caalamka ugu baaqday inay Puntland culays ku saarto inay weerarka joojiso.

IMG_78531D-AF6A1C-FE444C-0E4701-2C8525-68DD7E

Wasiirka arrimaha dibadda Sacad Cali Shire oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika, wuxuu Puntland iyo dawladda Soomaaliya ku eedeeyay inay Somaliland ku hayso weeraro joogto ah.

Wasiirka oo la hadlaya beesha caalamka wuxuu yidhi “Beesha Caalamka waxaanu ka codsanaynaa inay Somaliya iyo Puntland cadaadis ku saaran inay joojiyaan dagaalkaas iyo weerarkaas qaawan, iyo qalalahaasa la galinayo dadka reer Sool, oo maanta u haraadan una baahan waxqabad, horumar, Cisbitaalo, shaqo, Dugsiyo, uma baahna colaad, uma baahna burbur, Sool waa Gobol ka tirsan Somaliland dadkiisuna waa dad reer Somaliland ah, ee Puntland iyo Somaliya ha joojiyaan colaada ay dadkayaga iyo dalkayaga ku hayaan,Ciidankeenana aad baan ugu mahadnaqayaa siday dadkooda iyo dalkooda u cadawga uga difaaceen, waana Ciidan hadh iyo habeenba heegan ugu jira sidii ay dadkooda iyo qaranimadooda u ilaalin lahaayeen ”.

Isagoo dagaalada ka hadlaya wuxuu Wasiir Sacad yidhi”Dagaalkan la inagu soo qaaday waa dagaal gardaro, xadka Somaliland waa la yaqaana waa xad caan ah, waa xad caalamiya, inagu maynu sameeynin ee Ingiriiskii iyo Talyaanigii ayaa sameeyey, oo sida ay Somaliya xad ula leedahay Keniya, ee ay xad ula leedahay Itoobiya, ayuu Xadkeenuna kuwaas ula mid yahay, xadkeena waa la yaqaana inagu duulimaad kuma nihin Somaliya, kumana xad gudbayno, ee inagu waxaynu xaq u leenahay inaynu xadkeena ilaashano,dadkeenana ilaashano, inagu waxaynu dadkeena la doonaynaa horumar, dimuqraadiyad iyo nabad, ee colaad iyo burbur, midna la dooni mayno, markaas cida wada gardaradaas qaawan waxaanu ka waaninaynaa inay joojiyaan gardarada”.

Source:- Geeska