Guddoomiye Cirro Iyo Wafti Uu Hoggaaminayo Oo Maalinta Bari Ah Dalka Dib Ugu Soo Laabanayo..June 20.18

Hargaysa (Salaanmedia.com)_ )-Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo safar dalka debediisa ku maqnaa muddo bil iyo dheerada ayaa la filayaa inuu soo noqdo maalinta Berri Gelinka hore, kana soo dego Madaarka Cigaal ee Hargeysa.

cirro1-300x204

Soo dhawaynta guddoomiye Cirro iyo waftiga uu hoggaaminayo ayaa waxa laga dareemayaa magaalada Hargeysa.
Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro ayaa Mudadii uu ku maqnaa dalka debediisa Socdaal dheer ku galabixiyey Wadamo doora oo ka tirsan Qaarada Yurub oo aynu ka xusi karno Dalalka Belguim, Norway, Sweden, Holland, Finland iyo Germany oo uu ku soo khatimay.
Sida warar aanu helay tibaxayaan Guddoomiye Cirro ayaa wadamadaas kulamo iyo shirar kala duwan oo kala gooni-gooniya kula qaatey Madax & Siyaasiyiin dalalkaa uu maraayey xilal ka haya, Jaaliyadaha Somaliland ee dalalkaa ku dhaqan, Sidoo kalena Madaxda iyo Taageerayaasha Xisbiga WADDANI ee Dalalkaa ku dhaqan ama degan.