“Jamhuuriyadda Somaliland Waxay Wajahday Xaalad Diblomasiyadeed Middii ugu Adkayd Intay Xorriyadeeda La Soo Noqotay” Muniir Axmed Cigaal

Swedan (Salaanmedia.com)_ In Qarankeena ayaynu is wada barbartaagno waa daw, in wixii inaga qaldan aynu saxanaana waa lagama maarman. Madaxweynuhu inuu handaraab isku soo xidho oo Faysal Cali Waaraabe Afhayeen ka dhigto maha waana inuu tallada bulshadiisa qaata!!

36064293_10156478100378535_4812396767951716352_n

Wasaaradda arrimaha debadda Somaliland intii xorriyada aynu la soo noqonay ilaa 1991-kii Maanta ayay ugu gaabinaysa, waa sidan Anigu qabo iskama lihi ee Alleylehe Sacad Cali Shire mutacalin wanaagsan oo Agaasime ku fiican weeye maha Wasiir siyaasi ah oo Dal adduunka ka oodan ceelalyo loogu diro. Diplomasiyada Somaliland ee waddamada Jaarku iyana maanta ayaynu ugu hosaynaa. Jabuuti colownay oo DP World ayaynu dhaafsanay maba xuma haddii ay DP World sharka Jabuuti inaga moosi lahayde intay Ismaciil keeni aynu seedi san jirnay in kastoo aano marka horeba khayr badan inoo haynin inagu direen ayay inoo kala baxeen, Soomaaliya sidii Xukuumaddii Madaxweyne Siilaanyo 7-sanno wax kasta uga dhammaysatay ilaa Deeqo ilaa iyo “New Deal” Xukuumadda Muuse Biixi 7-bilood ayaynu nimankii maryo dhigle kala furanay oo maantana heshiiskii deeqaha ee aha inay Somaliland adduunka la xidhiidhi karto ayay ka baxeen. Waxaasna waxa sababay Caydeena Faysal Cali Waraabaha roxaanti ka degtay ugu horreeyo. Niman aynu qadiyadeena isku hayno adduunkuna wada hadla yidhi aniga ilama hoobana inaynu fiyaarada hore ee guriga isku dilno aynu gudaha wada galno ayaa ka hagaagsan oo waxeena ka dhammaysano. Itoobiya Dr. Ahmed Abby gan yar ee New Ethiopia doonaya sidii hore waxba uma wado oo isbadalada Masar iyo wabiga Neelka ayuu ina raaciyay..
Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa la gudboon inuu iska ilaawo Askarinimadii is xariifinta ku dhisnayd ee uu waligii ku soo jiray isuna dhigo inuu ciyaaro siyaasad qabow oo sida Madaxweynaha Turkiga marba uu dhoobo qaado lakiin aanu wada lidiq ka dhigin intuu walaaqo.. Igaba dhan
Tusan ..
Muniir Axmed cigaal
Sweden