Madaxwayne Muuse Biixi oo Isku Shaandhayntii Xukuumaddiisa Dib U Dhigay, Sababta Keentay iyo Shaqaalihii Madaxtooyada oo uu Canaan Dhegaha Goostay

Hargaysa (Salaanmedia.com)_ Dhawaan ayay ahayd markii ay soo shaac baxday isku shaandhayn uu Madaxwayne Biixi doonayo inuu ku sameeyo xukuumaddiisa, taasoo si rasmi ah loo ogaaday qaar ka mid ah xubnaha uu madaxwaynuhu magacaabi doono iyo kuwa uu ku bedelayo.

MADAXWEYNAHA-SHANAAD-EE-SOMALILAND-MUUSE-BIIXI-CABDI-150x150

Hase yeeshee sida ay ilo wareedyo ka tirsan madaxtooyadu u xaqiijiyeen shabakadda wararka ee Bariga Afrika, madaxwayne Biixi ayaa go’aansaday inuu isku shaandhayntaasi dib u dhigo maadaama ay goor horeba suuqa gashay.
Sida ay wararkani sheegayaan madaxwayne Biixi ayaa walaac ka muujiyey in sirtii madaxtooyadu dibada u baxday waxaanay taasi keentay inuu canaanto hawl wadeennada madaxtooyada ee sida gaarka ah ula shaqeeya, sidoo kale waxa uu madaxwaynuhu eedda bixinta sirta wax ka saaray xubno uu xilal u ballanqaaday oo si hordhaca asxaabtooda ula wadaagay in dhawaan la magacaabi doono.
Arrimahaas ayaa keenaya inuu Madaxwayne Biixi haatan dib u dhigo isku shaandhayn ay dadka siyaasadda falanqeeyaa ku sheegeen mid uu baahi weyn u qabo maadaama aanu illaa hadda wax la taaban karo ka qaban baahiyaadka aasaasiga ah iyo guud ahaan ballanqaadyadiisii.
Ma cadda goorta uu ku talo jiro inuu isku shaandhayntan sameeyo Madaxwaynuhu hase yeeshee waxaa la xaqiijiyey in safarka uu ku tegayo gobollada bariga marka uu ka soo laabto la fili karo inuu isbedel sameeyo.