War Deg-deg Ah: Khasaaraha Ka Dhashay Roob Duufaan leh oo Ka Da’ay Degmada Sallaxley.

Salaxley. (Salaanmedia.com)_ Hal ruux ayaa ku geeriyooday tiro kalana way ku dhaawacmeen roob dabaylo watay oo caawa ka da’ay degmada Sallaxley ee gobolka Maroodijeex.

maxresdefault-4-150x150

Sidoo kale waxaa jira tiro guryo ah oo ku dumay roobka iyo xoolo uu laayay – Sida xaqiijiyey maayarka degmada Sallaxley Shiine Tahar.
Wararka qaar ayaa sheegaya in guryaha uu roobku khasaaraha soo gaadhsiiyey uu ku jiro guriga guddoomiyaha degmada iyo cusbitaalka degmada oo ay dabayluhu saqafkii sare ka qaadeen.
Wixii warar ah ee soo kordha kala soco. Salaanmedi.comm