Al-Shabaab Oo Saaka Weerar Culus Ku Qaadey Saldhig Ciidan + [ Wararkii UGu Danbeeye ]

Hargaysa (Salaanmedia.com)_ Kooxda Al-Shabab ayaa saaka
waaberigii weerar ku qaaday saldhig ay ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Jubaland ay ku leeyihiin deeganaka Baar-Sanguuni ee gobolka Jubada Hoose.

3250C85B-34C0-4C04-8F04-519204BAF4C9_w1023_r1_s

Wararka ayaa sheegaya inay laba baabuur oo qaraxyo ah ay Al-Shabaab ku weerareen goobtaasi, kadibna uu xigay weerar rasaas ah.
Sarkaal u hadlay ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa sheegay inay afar askari kaga dhinteen weerarkaasi, islamarkaana ay kooxda Shabaab ka dileen 7.
Dhinaca kale, Shaabaab ayaa iyaguna dhankooda sheegtay inay saldhigaasi qabsadeen, islamarkaana ay ciidamada ka dileen 27 askari.
Ma jiraan warar si rasmi ah u xaqiijinaya khasaarahaasi ay sheegeen labada dhinac.