Caalim Diinta Islaamka Ah Oo Farriin Siyaasi Ah U Kala Diray Madaxweynayaasha Dalalka Soomaalida Ee ‘Biixi, Farmaajo, & Geelle

Jabuuti (Salaanmedia.com)_ Sheekh Cabdiraxmaan Bashiir oo ka mid ah culimada waaweyn ee Diinta Islaamka ee ka soo jeeda dadka Soomaalida ah, gaar ahaana u dhashay dalka Jabuuti ayaa si qotto dheer uga warramay xaaladda siyaasadeed ee dalalka Geeska Afrika, iyo isbedelada siyaasadeed ee xilligan ka taagan iyo saamaynta ay ku yeelan karaan dalalka dadka Soomaalida ah ee kala ah Jabuuti, Somaliland, Soomaaliya, Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Warka-koowaad

Warka koowaadSh Cabdiraxmaan ayaa arrimahaasi si mug leh ugaga hadlay muxaarado diini ah oo uu u jeediyey dad tiro badan, isla markaana Wargeyska Himilo idiinka soo diyaariyey.
Haddaba, Sheekh Cabdiraxmaan Bashiir oo arrimahaasi ka hadlaya waxa uu ugu horreyn ka warramay siyaasadda cusub ee Raysal wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed, iyo ahmiyadda ay dalalkan u leedahay, waxaanu yidhi “Raysal Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed wuxuu ku guuleystay siyaasadda arrimaha dibada, waxaanu qaatay fikrad uu keenay Dr Axmed oo u dhashay dalka Turkiga oo hore dalkaasi Raysal wasaare uga noqday oo aheyd, ‘Xalli dhibaatooyinka kugu meersan ee caalamiga ah’, taasoo ah inuu xaliyey dhibaatooyinkii u dhexeeyey waddamada Geeska Afrika”. Sheekhu waxaanu intaasi uu ku daray, “Arrintani waxa kale oo ay faa’iido ugu leedahay Raysal wasaaraha inuu tirtiro inay hadhow siyaasiyiinta mucaaridka ahi intay ka yaacaan dalkiisa oo ay dibada ka soo mucaaridaan, taasoo ah inuu quwadii mucaaridka uu ka soo xidho dalalkii dibada, isagoo ku doonayaa in siyaasiyiinta mucaaridka ahi ay dalka soo galaan oo ay ka samaystaan xisbiyadii siyaasadda ay kaga qaybgeli lahaayeen, iyo waliba inuu dadka u tuso inay Itoobiya tahay Aabaha dalalka Geeska Afrika”.
Sheekhu waxa kale oo uu ka hadlay saamaynta Heshiiska Itoobiya iyo Erateriya uu u leeyahay dalka Jabuuti, “Heshiiska dalalkani macne ayuu u leeyahay qofka Soomaaliga ah ee Muslinka ah, laakiin, fikradaha ugu xun ee lagu rabbeeyey dalalka Afrikaanku waa Khasaarahaagu waa Guusheyda, oo waxaynu ognahay oo ay warbaahinta caalamiga ah qaarkood sheegeen in khasaaraha ugu weyn ee heshiiska labadan dal ka dhashaa waxa uu soo gaadhayaa dalka Jabuuti, sidaasi awgeed fikradaasi ka dhalanaya in mandaqadu ay ka bixi weydo loolan oo dal kastaa uu ku dedaalayo sidii uu fashilin lahaa guusha dalka kale ee deriskiisa ah, markaa caqliyada ah isma buuxinayno ee waynu tartamaynaa waxay keentaa khasaare, sidaasi daraadeed Jabuuti hore ayey uga faa’iideysatay khasaarihii Erateriya ee ahaa collaadii u dhexaysay Itoobiya iyo Erateriya, maantana Erateriya ayaa ka faa’iideysanaysa khasaaraha Jabuuti”.
Sh. Cabdiraxmaan waxa kale oo uu su’aal geliyey sida ay uga faa’iideysan doonaan tallaabadan Raysal wasaaraha ee heshiiska Itoobiya iyo dalalka Erateriya iyo Masar, hoggaamiyeyaasha dalalka Soomaalida, “Abiy, waxa uu keenay fikrad cusub isagoo aan rabbin in dalalkaasi dhibaato ku noqdaan dalkiisa, waxaanu jabiyey laba giddaar oo waaweyn oo kala ah Itoobiya iyo Erateriya iyo Itoobiya iyo Masar oo aad moodaysay waddamo aan is arki karin oo aan dib u heshiin karin, haddaba, su’aashu waxa weeyi ragga madaxda ka ah Koonfurta Soomaaliya ee Farmaajo iyo Kheyre ma jabin karaan fikrada ah Somaliland ‘Muqadas ma aha iyo Muddanas-na ma aha’, iyo fikrada kale ee ah Somaliland qasab kuma ah midnimada Soomaaliya, sidaasi awgeed Farmaajo iyo Kheyre intay diyaarad raacaan maka dhaadhici karaan Hargeysa oo mala sheekaysan karaan, Madaxweyne Muuse Biixi iyo ku xigeenkiisa Saylici, oo ma kala sheekaysan karaan sidee ayeynu u noolaanaa inta aynu is fahmayno, tallaabadaa ma qaadi karaan oo ma ka faa’iideysan karaan?, waa maya, sidoo kalena Muuse Biixi iyo Saylici ma ka dhaadhici karaan Muqdisho, iyagoo aan qabin cuqdad, waayo waxa layska dilay dad badan, balse waa in hore looga socdaa”.
Sidoo kalena, Sheekhu wuxuu tilmaamay sida Jabuuti uga faa’iideysan karto, “Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, inta uu dhaafo xasaasiyada ah ‘ANIGA’ ma u suurtogalaysaa inuu yidhaa dalka waa la wada leeyahay ee soo gala, maadaama oo uu dadka hore uga qaaday waraaqihii oo ma la hadli karaa Daahir Axmed Faarax, Cabdiraxmaan Boore, iyo Madaxweynaha Frud-ka hubeysan, iyagu laf ahaantood tallaabadan ma qaadi karaan”.
Sh. Cabdiraxmaan Bashiir, waxa kale oo uu xusay, “Arrintaasi, (tallaabooyinka Abiy Axmed) waxay cashar u tahay dadka Soomaalida ah ee kala ah Jabuuti, Somaliland, Soomaaliya, maadaama oo Shucuubta horumarka gaadhaa iska dhaafaan oo ay ka tegaan taariikhda dhibaatooyinkii hore u soo kala maray, waxaanay eegaan waxa haatan ka horreeya, shucuub dib u dhacdayna waxay ka sheekeeyaan waanu isdilnay, iyo waanu…, markaa haatan waxaynu u baahanahay in tallaabadaasi aynu durruus kala soo baxno oo waa inaynu ka faa’iideysanaa tallaabadaa uu qaaday Abiy Axmed ee heshiiska waddamaddaasi oo casharkeena koowaad noqdaa Soomaalida iyo Soomaalida, Jabuuti iyo Jabuuti, iyo casharka u dambeeyaana waa ka ay kala soo baxaan Soomaalida Itoobiya”. Ayuu yidhi Sh Cabdiraxmaan Bashiir
Ugu dambayntii, Sh Cabdiraxmaan Bashiir waxa uu sheegay, “Ma jiro dagaal aan dhammaad lahayn, iyo Nabad aan macno lahayni”.