[Deg Deg] :- Dagaal Ka Qarxay Deeganka Ceel Afweyn Iyo Dhimasada Oo Saddex Qof Mareysa + [ Akhriso ]

Ceerigaabo (Salaanmedia.com)_ Warar hada soo gaadhay
shabakada Ilaysnews.com waxaa ay sheegayaan in Degaanka Ceeryaan Ee Konfuta Magalada ceerigaabo isla markaana dhinaca bari kaga beegan deeganka Ceel Afweyn uu saaka dagaal ku dhex maray laba beelood oo halkaasi wada dega .

breaking-news--300x169

Iska hor imaadkana saaka labada beelood ka dhex qarxay ayaa waxaa ku dhintey 3 qof oo labada dhinac-ba sida ay wararku sheegayaan isla markaana waxaa ku dhaawacantey tiro intaas ka badan .
Labadan beelood ayaa kala ah Beesha Biciide / Habar Jeclo iyo Beesha Muuse Ismaciil / Habaryoonis .
Ilaa hada lama oga sababat rasmiga ah ee kaliftey in uu dagaalkaasi qarxo balse wararka qaar waxaa ay sheegayaan in khilaaf in muddo ahba soo jiitamaayey uu u dhaxeeyey labadaas beelood .